Waxay dalbadeen in Hay’adda cuntada aduunka dalka laga saaro ama la sharci lagu xakameeyo.Shir Jaraa'id
Hargeysa(GNA)-Ururadda Waddaniga ah ee ka shaqeeya horumarinta Bulshada ayaa Hay’adda WFP ku eedeeyay inay dalka Fowdo iyo mushkilad ka kicinayso, isla markaana madaxa kaga taagantahay Mashaariicdii Ururaddu u soo qorteen ee Raashinka ahaa.
Shir jaraa’id oo ay Maanta ku qabteen magaalada Hargeysa xubno tiro badan oo ka kala socday Ururrada Mashaariicda horumarinta ka fuliya Goboladda, dalku, waxay ku sheegeen in WFP saddex sanadood iyo wax ka badan ka haysato Mashaariic faro badan oo wakhtigoodii ka dhacay, taasoo khasaare ka soo gaadhay, isla markaana lacago badan oo cashuur ah iyo tacab badani kaga baxay.
Mashaariicdaasi ayay sheegeen inay baahiyihii lagu fulin lahaa qabyo yihiin, isla markaana ay ku daaleen Ururaddu sidii ay u daba socdeen.
Xubnahan oo ka kala socday Ururo ay ka mid yihiin Waaberi, Hadhwanaag, Muxubo, Dereemo, Naadur, Barwaaqo iyo kuwo kale oo tiro badan, kana shaqeeya horumarinta Bulshada ee dhinacyada, waddooyinka, qodista Dhaamamka, Wax-barashada, horumarinta Dhalinyarada, ayaa sheegay in wada shaqayn wanaagsani ka dhexeyso xafiiska Dawladda u qaabilsan Mucaawimooyinka WFP, balse Hay’addaasi sababbo aanay garanayn uga haysato mashaariicdii ay u qorteen.
Waxa ay dawladda u soo jeediyeen in wax laga qabto habdhaqanka foosha xun ee WFP ula macaamilayso dawladda iyo Ururrada Rayidka ah, hadii kale fowdo iyo dhibaato ka abuurmayso, iyagoo dhanka kalena xukuumadda ka dalbaday in magdhow laga siiyo khasaaraha maaliyaddeed ee ay Hay’addaasi u geysatay Ururradooda, ka dib markii sida ay sheegeen mashaariic malaayiin lacag ah loogu cashuuray ka dhaceen iyadoo aan wali la soo gaadhsiin.
Axmed faarax Bulux oo ka mid ah Masuuliyiinta Ururaddan cabashada iyo dhaliilaha ishuwan u soo jeediyay Hay’adda WFP, ayaa sheegay inuu sanad iyo badh sugayay mashruuc loo dhamaystiray, kaasoobuu yidhi madaxda sare ee Hay’adda iyo kuwa Xafiiska hargeysa joogaa isku tuur-tuurayaan.
“waxaan ka mid ahaa 24 mashruuc oo la soo asses-gareeyay, sanad iyo afar bilood ayaan sugayay in la soo dhamaystiro, markaan holifair la hadalno wuxuu na leeyahay qolada program-ka joogta u taga iyagaan idiinku balamiyaye, qolada kalena inshaalah ayuunbay na leeyihiin”ayuu yidhi.
Waxaanu intaasi ku daray “markaa xili cayiman nalooma sheegin, waxaana meesha ka maqan doorkii dawladda oo xidhiidhiyihii Dawladda u qaabilsanaa inta waraaqihii laga qaado ayaanay waxba ka soo noqonayn ee WFP hoosta gashanaysaa”.
Faarax Jooj Cabdi jaamac oo ka socda Hay’adda Waddaniga ah ee Dulmadoobe ayaa sheegay “anigu waxaan aad ula yaabanahay goorta uu cali yufle WFP madaxda ka noqday, anigu waan aqaanaa Cali yufle, ilaa berigii Berkaddaha Bariga loo xilsaaray ee uu Laaluushka ka qaadan jiray Berkeddaha agoonta loo sameyanyo “wuxuu igu yidhi shan boqol oo Dollar bixi hadii berked aad doonayso, tiibuu maantana wadaa oo uu doonayaa inuu dadka ku haysto”ayuu yidhi.
Oday Faarax ayaa intaasi ku daray “Ururaddani waxay 24-ka saacadood u ordayaan dadkooda oo ay dantoodii kale ku seegeen, markaa dawladda waxaanu ka doonaynaa in wax laga qabto xaasaasiyada Cali Yufle iyo kuwa Hay’adda dacwadda u gudbiyay abuurayaan, waxaanan leenahay Cali Yufle ha soo cadeeyo goorta xilka loo dhiibay”ayuu yidhi.
Koos Saleban Cali oo madax ka ah Ururka Hadhwanaag ayaa iyaduna difaacday Saraakiisha Dawladda u qaabilsan Xidhiidhka Hay’adda, waxaanay sheegtay inay khalad badan ka tirsanayaan Hay’adda WFP “Ninka Ceerigaabo ka hadlay ee yidhi banaan bax ayaa la qabtay eel eh Madaxweyne goboladda Bari iyo Garas kala dooro, waxaanu leenahay qof wuxuu gaar u goostay micno samayn mayso, Goboladduna waa isku mid, Maareeye Garasna wax alaale wuxuu xumeeyay mka jirto annagaana ka xaal siinay maareeyaha khaladkaa lagula kacay”.
Koos ayaa intaasi raacisay “ waxaanu soo jeedinaynaa Khilaafka jira ee WFP iyo dawladda hala xaliyo Ururaddii way ku dhex dhinteen, mashaariicdiina way nagaga dhaceen, markaa annagu waxaanu leenahay arrintaas wax halaga qabto, Yuusuf Garasna wuxuu xumeeyay ma jirtee annagaa xaal siinay”.
Ismaaciil oo ka socday Ururka Dhalinyarada ee Onkod oo ka dhisan gobolka Sanaag iyo xubno kale oo halkaasi ka hadlay ayaa iyaguna sheegay inay Hay’adda WFP ka dhego adaygayso inay u hogaansanto siyaasadda Xafiiska Dawladda u qaabilsan isku duba ridka iyo hagida mashaariicda ay bixiso.
“Dawladdu Xafiisbay u samaysay inuu hago oo isku duba rido mashaariicda ay dalka ka fuliso WFP, xafiiskaasi madaxweynaha ayaa magacaabay, waa xafiis sharci ah, waa xafiis shaqaynaya, waa xafiis aanu taageersanahay oo wada shaqayn wanaagsani naga dhaxayso, laakiinse Hay’adda WFP way ka war wareegaysaa inay la shaqayso oo ay u hogaansanto, taasna waanu ka soo horjeednaa”sidaasi waxa yidhi Agaasimaha Ururka Dhalinyrada ee ONKOD.
Kaasoo intaasi raaciyay “Somaliland waa dal dawladbaa ka dhisan oo xaq u leh inay daba gasho, qorsheyso mashaariicda ay bixiyaan hay’adduhu, laakiinse WFP waxay ula macaamilaysaa sidii dal qalalaase ka jira oo Somaliya oo kale ah, markaa madaxweynaha, Golleyaasha sharci dejinta, kuwa nabad-gelyada iyo dhamaan Hay’addaha kale ee dawladda waxaanu u sheegaynaa in hoos loo eego khaladka Hay’addaasi dalka ku hayso”ayuu yidhi.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hay’adda Qaramada u qaabilsan Cuntada ee WFP oo ay kaga jawaabayso eedeymahan loo soo jeediyay, balse dhawaaqa Ururrada ayaa imanaya todobaad ka dib markii xafiiska dawladda u qaabilsan haggida mashaariicda WFP soo saaray wareegto uu ku amrayo inay Hay’addaasi u hogaansanto Siyaasadda Dawladda ee loo aasaasay Xafiiskaasi.
Maareeyaha xafiiska Xidhiidhka Mucaawimooyinka WFP Yuusuf Cismaan Garas, ayaa todobaadkii hore soo saaray wareegto uu Hay’addaasi iyo Xafiisyada kale ee xukuumadda kaga dalbanayo in la dhawro nidaamka Dawliga ah ee ku saabsan qaabka loo bixinayo, loona dalbayo Mashaariicda loo qoranayo WFP.
“Hay’adda WFP iyo Hay’addaha kale ee Xukuumaddu waa inay si waafaqsan nidaamka ula shaqeeyaan xafiiska FCA oo Dawladda u qaabilsan xeraynta codsiyada Mashaariicda loo qoranayo WFP”ayaa lagu yidhi wareegtadaasi.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Editor@gobanimonews.com