Baydhabo(GNA)-Dagaalo culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.
Daryanka noocyada Hubka ayaa xalay saacadihii dambe laga maqlyay dhamaanba magaaladda, waxaanu ahaa dagaalkii ugu cuslaa ee Magaalada ka dhacay.
Dagaalkan ayaa yimi ka dib markii Dagaalyahanada Alshabaab weerar ku soo qaadeen Fadhiisimada Ciidamada AMISOM iyo dawladda ee Magaalada, waxaanay gudaha u soo galeen magaalada, sida ay goob-joogeyaal u sheegeen gobanimonews.
Goobaha Al-Shabaab ka soo weerareen magaalada Baydhabo waxaa ka mid ah wado ka timaada degmada Waajid, dhinaca Baar Bakiin ee wadada Xamar aada iyo suuqa balka, halkaasoo ahaa goobo fariisin u ahaa Al-Shabaab, Sidoo kalena waxay Al-Shabaab weeraray saldhiga booliska ee Xaafada Howlwadaag ee magaalada Baydhabo, halkaasoo iska hor imaadka ugu culus ka dhacay.
Ma cadda ilaa hada Khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi ka sekow ka kala gaadhay labada dhan, balse Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Baay Mahad C/raxmaan ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii Al-Shabaab ku soo qaaday, isagoo xusay inuu ugu dhaawacmay kaliya hal askari.
"Magaalada xalay Shabaab soo weeraray jawaab xoog leh ayaa la siiyay, ciidamada waa la dagaalameen, waana la iska caabiyay, saddex goobood ayay naga so weerareen"ayuu yiri Col. Mahad C/raxmaan oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho.
Kooxda Al-shabaab ayaan ilaa hada ka hadal Khasaaraha ka soo gaadhay dhankooda iyo waxay geysteen toona.
Gobanimonews
Muqdisho Office