Friday, December 6, 2013

Geerida Mandela iyo Hogaamiyeyaasha Caalamka


Daawo: Muuqaalo kala gedisan oo ku saabsan Mandela”




Madaxda caalamka iyo kuwii hore ayaa tacsi u diray Nelson Mandela.




Madaxweyne Obama, ayaa sheegay in Mr Mandela uu ku guulaystay in ka badan intii laga filayay qof bini'aadan ah.




“wuxuu waayay xoriyadiisa si uu xoriyad ugu helo dadka kale” ayuu sheegay Mr Obama.




Waxaanu intaasi ku daray inaanu ka fikiri karin noloshiisa tusaalihii uu Mandela uu muujiyay la'aantiis.




Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban ki- moon, ayaa ku tilmaamay qof aad ugu wayn cadaalada oo saamayn ku yeeshay dad badan oo adduunka halganka uu u galay qiimaha bini'aadanka, sinaanta iyo xoriyada.




Xisbiga Mandela ee talada haya ee Afrikan National Party, ayaa sheegay in Koonfur Afrika iyo aduunka ay waayeen qof aad ugu wayn sinaanta, cadaalada iyo nabada.




Reysal-wasaaraha Ingiriiska ayaa sheegay inuu ahaa Ilays ka bakhtiyay Adduunka oo dhan.




Khudbadii uu jeediyay markii Xabsiga laga soo daayay:-




Kumuu ahaa Mandela ?