Friday, December 6, 2013

Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Somaliland iyo Puntland oo ka hadlay Geerida Nelson Mandela


Hargeysa (GNA):- Madaxweynayaasha Maamullada Soomaalida ee Soomaaliya, Somaliland iyo Puntland, ayaa ka hadlay dhimashada Madaxweynihii hore ee Koonfurta Afrika Nelson Mandele oo xalay dhintay, isla markaana waxay ka sheekeeyeen taariikhda uu tusaalaha ugu yahay Afrika iyo Caalamka, waxaanay Tacsi u direen Shacabka iyo dawladda uu ka baxay.




Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo Madaxweynayaasha Somaliland iyo Puntland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa si isku mid ah uga hadlay geerida Mandela.




Warsaxaafadeed uu soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayuu ku sheegay in Nelson Mandela uu ahaa hoggaamiyeyaasha dunida aadka looga xushmeeyo, isla markaana hormuud u ahaa inta u doodda cadaaladda iyo xornimada.




“Mandela wuxuu ahaa shaqsi saameyn weyn ku leh caalamka, geeridiisuna waa mid ku timid geesiga Afrika. Mandela wuxuu ahaa nabadoon laga wada xusuusto qaaradda Afrika. Wuxuu hormuud u ahaa dhammaan inta u doodda cadaaladda iyo xornimada,” ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya.




 




Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed (Siilaanyo) oo isna ka hadlay geerida Mandela, ayaa ku sheegay inuu ahaa hoggaamiye Afrikaan ah oo aad loo xusuusto, isagoo ku tilmaamay nin u dhabar-adaygay sidii dalkiisa uu u gaadgsiin lahaa xorriyad, sinnaan, caddaalad iyo inay bulshada dalkiisu si isku mid ah u wada noolaan karaan, taasoo uu xusay inuu ku guulaystay.




“Nelson Mandela waxaa lagu xusuustaa inuu ahaa geesi dedaal u galay sidii dalkiisu uu uga xoroobi lahaa Midab-kala-soocii ka jiray, waana geesi weyn oo dunida ka baxay,” ayuu yidhi Siilaanyo. Isagoo xusay inuu dulqaad badan muujiyay.




Madaxweynaha Puntland oo isaguna ka hadlay geeridan ayaa Mandela ku tilmaamay geesi aan Afrika soo marin, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in tusaale laga dhigto taariikhdii uu ka tagay.




“Hoggaamiye weyn ayaa Afrika ka baxay, wuxuu ahaa geesi dadaal badan u soo galay inuu dalkiisu xoroobo, wuxuu 27-sano u xirnaa cadaalad-darro, markii lasoo daayayna wuxuu cafiyay dhammaan kuwii dhibaatada u geystay, taasna waa mid ka mid ah tusaalayaasha wanaagsan ee Mendela,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Faroole.




Dhammaan Madaxda Soomaalida ayaa waxay si isku mid ah tacsi ugu direen ehellada madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Nelson Mandela oo xalay ku dhintay gurigiisa oo ku yaalla Zuweto oo ku taalla duleedka Johannesburg, isagoo ay da’diisu ahayd 95 sano.




Sidoo kale Madaxda dawladaha Caalamka iyo Qaramada Midoobay, ayaa iyaguna si weyn uga hadlay geerida Mandela, isla markaana Tacsi u diray dawladda iyo Shacabka Koonfurta Afrika, waxaanay tilmaameen taariikhda faca wayn ee uu lahaa Mandela iyo xusuusta lama illaawaanka ah ee uu ka tagay.




Mandela wuxuu muddo 27 sano ah wakhtigiisa ku qaatay xabsiga, kadib markii lagu eedeeyay inuu khiyaamay dawladdii caddaanka ahayd ee dalkaas ka talinaysay, waxaana la sii daayay 1990, wakhtigaas oo uu hoggaamiye ka noqday Xisbiga ANC, oo uu ku soo baxay doorashadii u horraysay ee si dimuqraadi ah uga dhacda dalkaas 1994kii.




Mandela, oo da’diisu 95 ahayd, ayaan muuqiisa la arag 2010, isagoo muddooyinkii u dambeeyay sariir-yaal ku dhammaystay cimrigiisa.




Gobanimonews.com




Hargeaysa Office




Email: editor@gobanimonews.com