Isniin 02.12.2013 (GNA) -Sarkaalkii ugu horeeyey, ee halgankii dib u la soo noqoshadii xornimada Somaliland ku shahiidey, waxa uu ahaa (AHUN) Mujaahid Cabdiraxmaan Cali Nuur (Baranbaro), oo ku geeriyooday shirqool diyaaradeed sanadku markuu ahaa 1981 uu u maleegay taliskii dhiigyacabka ahaa ee xukunkii la odhan jirey J.D.S.
(2012-03-19) Dr. Maxamuud Sheekh Xasan Taani, oo dhakhaatiirtii husbitaalka Hargeysa, ee ururkii "UFFO" ee "Iskaa Wax u Qabso" ku jirtey ka mid ahaa, oo dhacdadii dhagax-tuurkii iyo sidii iyaga loo xidh-xidhey ka waramayey, ayaa yidhi:
Xaaladda dalku aad ayaay xilligaa u xumeyd. Dugsiyadu aad ayay u dayacnaayeen. Agab la'aan iyo daryeel la'aan baahsan, ayaa ka jirtey. Husbitaalku aad ayuu u liitey, oo daawo la'aan, daryeel la'aan iyo nadaafad xumo, ayaa ka jirtey. Markii aanu u adkaysan kari weyney, ayaanu "Iskaa Wax u Qabso" isku bahaysanay; oo aanu hirgaliney.
Hawl fiican oo la taaban karayey, ayaanu isla markiiba qabaney. Is-baddalkii aanu husbitaalka ku sameyney, ee aanu ku nadiifiney, ee aanu ku hagaajiney, ayaa isla markiiba maamulkii Gaani argagax weyn galiyey.
Waxa xafiiskii nabad sugidda xilligaa taliye ka ahaa: (AHUN) aqoonyahan Mujaahid Cabdiraxmaan Cali Nuur (Baranbaro) oo ka mid ahaa aqoonyahanadii gobolka u dhashey, ee gobolka dib ugu soo noqonayey.
Gaani oo doonayey inuu dhallinyaradii ”UFFO” ugaadhsado, ayaa dhinac uu (AHUN) Mujaahid Cabdiraxmaan Cali Nuur (Baranbaro) ka maro waayey. Sidaa daraadeed, Afweyne ayuu marar badan kaga dacwoodey; oo waxa uu ku andacoon jirey: in aanu shaqadiisa - xadhiga iyo dilka ah - aanu (AHUN) Mujaahid Cabdiraxmaan Cali Nuur (Baranbaro) ka qabsan kareyn.
(AHUN) Mujaahid Cabdiraxmaan Cali Nuur (Baranbaro) oo dareenka dhallinyaradii "UFFO" la qabey, ayaa isla markiiba reerkiisii Xamar ka soo wada rarey, oo Hargeysa soo wada dajiyey.
Gacan ku dhiiglehii Gaani, oo joogitaankii (AHUN) Mujaahid Cabdiraxmaan Cali Nuur (Baranbaro) aad u dhibsanayey, ayaa Afweyne ka dhaadhiciyey, in uu (AHUN) Mujaahid Cabdiraxmaan Cali Nuur (Baranbaro) uu shaqadiisa caqabad ku yahey, oo aanu qorshihiisa - xadhiga iyo dilka ah - aanu ka fushan kareyn.
(AHUN) Mujaahid Cabdiraxmaan Cali Nuur (Baranbaro) oo waqtigaa isga iyo qoyskiisuba ay ku sugnaayeen caasimadii hore ee Mugdisho ee Soomaliya.
Mujaahidka iyo qoyskiisa oo markaa safar ugu soo ambabixi lahaa ilaa Hargeisa yaa laba nin oo dharcadi soo koreen diyaaradii markaa ay saarnaayeen, taaso dhagta loogu sheegay in looga yeehey amar uu bixiyey Afweyne sidaana diyaaradii looga reebay mujaahidka C/raxman Cali Nuur Baranbaro (AHUN), kuna macasalaameeyey qoyskiisa.
Isla markiiba waxaa lasoo saaray diyaaradii loogu talagay in lagu khaarijiyo oo ahayd shirqool uu maleegay taliskii dhiigyacabka ahaa ee uu madaxa ka ahaa Siyaad Barre (Af-weyne).
Shil diyaaradeed oo dhacay bishii Juun 20keedii 1981kii (AHUN) Mujaahid Cabdiraxmaan Cali Nuur (Baranbaro) lagu khaarijiyey, oo uu halkaas ku shahiiday.
(AHUN) Mujaahid Cabdiraxmaan Cali Nuur (Baranbaro) waxa uu sidaa ku noqdey, sarkaalkii ugu horeeyey ee halgankii dib u la soo noqoshadii xornimada Somaliland ku shahiidey.
Mida kale, laba goor oo hore ayaa (AHUN) Mujaahid Cabdiraxmaan Cali Nuur (Baranbaro) shirqool loo dhigey, oo uu Alla ka badbaadiyey; laakiin markii saddexaad ayuu ku shahiidey.
Websidka aanu kasoo xiganay: Www.tashiwanaag.com
Fadlan qofkii intan in ka siibadan ka haya taariikh nololeedkii mujaahid C/raxman Cali Nuur Baranbaro (AHUN), kusoo gudbi e-mailka: ibrahimk3@hotmail.com ama editor@gobanimonews.com
Www.gobanimonews.com