Friday, December 6, 2013

Duufaan xoog leh oo ku dhuftay Woqoyiga Yurub






Barlin(GNA) ugu yaraan 4 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen duufaan xoog badan oo ku dhufatay waqooyiga qaarada Yurub, kumanaan kalena waa la raadinayaa.




Duufaantan ayaa sababtay in uu hakad ku yimaado isgaadhsiinta waxaana laga cabsi qabaa in khasaare kale ay keento duufaankan.




Duulimaadyo tegeyay dalalka Jarmalka,Holland iyo Scotland ayaa la baajiyay halka qadadka tareenadana ay xidhmeen dhowr wadan oo ku yaal qaarada Yurub.




Mid kamid ah biriijyada ugu dheer ee Yurub iskuna xidhs wadamada Sweden iyo Dermark ayaa xidhan. Tobanaan kun oo guryo ah ayaa leedh la’  kadib markii ay duufaantu ku dhufatay.




Dabaylo xoog leh oo jaraya saacadii 228km ayaa ku dhuftay Scotland halkaa oo darawal baabuur nooca xamuulka qaada uu ku dhintay kadib markii uu shil galay gaarigii uu watay meel ku dhow Edinburgh. Ugu yaraan labo ruux oo kale ayaa ku dhaawacantay dhir ay duufaanku  soo jabiyay.




Booliska ayaa waxa ay xaqiijiyeen in uu qof uu ku dhintay kadib markii uu ku soo dhacay geed badhtamaha England ee Nottinghamshire.




Labo ruux oo naaquudayaal ah oo saarnaa markab dushiisa ayaa dabayluhu ku tuureen badda koofurta Sweden waxaana lagu guuleysan waayay in la helo ragaas.




Hay’ada u qaabilsan deegaanka Britain ayaa waxa ay sheegtay in la filayo in uu sare u kaco mowjadaha dabaylaha iyada oo ay keeni karaan fatahaaddo waxana la xidhay wabiga Thames qararkiisa.




Waxayna mas’uuliyiinta Britain ay ka rareen dad bariga England iyaga oo sheegay in laga cabsi qabo in dabaylahan ay yihiin kuwii ugu xoogga badnaa muddo lixdan sano ah.




Dayuurada Dutchka ee KLM ayaa joojisay duulimaadyo gaadhaya 84 oo ay uga duuli lahayd garoonka dayuuradaha ee Amsterdam Schiphol, waxana sidoo kale la joojiyay labaatan duulimaad magaalada Hamburg.




Tareenada isaga goosha Sweden iyo Denmark ayaa hakad la geliyay halka dalka Jarmalkana laga digay in ay xidhmi karaan.








 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimnews.com