06/12/2013: Lughaya-(GNA)-Weftigii Wasiirrada ahaa ee ka socday xukuumadda Somaliland ee uu hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha, Tiknoolajiyada iyo Cilmibaadhista, Md. Aadan Axmed Warsame isla markaana uu ku wehelinayay Wasiirka Dib u Dajinta Axmed Cabdi ayaa ka qaybiyay degaada Lughaya deeqo raashin ah oo isugu jiray Bariis iyo Saliid isla markaana ay xukuumadu ugu soo tallo gashay in la gaadhsiiyo degaamadaas degmada Lughaya ah ee ay waxyeeladii u dameeyay ee Roobabku ku dhufteen.
Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha, Tiknoolajiyada iyo Cilmibaadhista, Md. Aadan Axmed Warsame oo aanu wax ka weydiinay oo ka dib, waxa uu yidhi “Waxa aan gurmad gaarsiinay degaanadii ugu ba’naa ee ay roobabku waxyeeleeyeen ee degmada Lughaya, waxana aan halkaasi gaadhsiinay deeq dhan 600 oo kiish oo Bariis iyo Saliid isugu jira, waxana raashinkaasi la gaarsiiyay degaamada kala ah Ceel lahelay, Fugxo, Cabdi-geedi, Hadayta, Maama, Riiga kalawle, Garaaca, Beeyo macaan iyo Riiga kalawle.”
Wasiirka oo hadalka sii wata ayaa waxa uu yidhi “Waan ognahay in raashinka deeqda ah ee aan gaynay degaanadani aanu ahayn mid u dhigma dhibaatadii meesha ka dhacday, waanan ognahay in ay wali hadhsan yihiin degaano kale oo qasaaruhu gaadhay, sidaas oo ay tahay waxa uu ka tarjumayaa raashinkan aan keenay Lughaya in aanay xukuumadu ka seexan dadkeeda, warna u hayso, una gumanayso meel walba oo dalka ah oo ay wax ka dhacaan, waan dadaali doonaa, waxana aan warbixin dhamaystiran gaadhsiin doonaa Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Iyo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, waxana aan uga warami doonaa sida uu xaalku yahay.”
Intaasi kadib ayaa waxa ay shabakadu la xidhiidhay Maayarka Degmada Lughaya Md. Cabdilaahi Cali Awnuur Dixood, waxana uu ka mahadnaqay raashinkaasi la soo gaadhsiiyay ee ay xukuuamdu keentay, intan kadib ayaa waxa uu carabka ku dhuftay inta ay leegtahay xaqiiqda ay soo arkeen wasiiradu waxana uu yidhi “Raashinka la qaybiyay waan ka mahadnaqaynaa, waxana ay wasiiradu arkeen in degaamada laga qaybiyay oo dhan la siiyay dadka intii ugu liidatay ee ay xoolahu ka dhamaadeen, waxana uu ahaa mid dhiig joojin ah oo loo baahnaa, balse aanan dadka wada gaadhin, sidoo kale waxa ay wasiiradu arkeen, baaxda burburka roobabkaasi gaysteen inta uu leegyahay iyo raqdii ka hadhay xoolahii le’day oo wali daadsan, sidoo kale waxa ay arkeen ugacda Ayax balaadhan oo kulaalaya degmada Lughaya, walaac wayna ku haya degmada, kaasi oo laga baqo qabo inuu mar kale dilaaco”
Maayarku waxa uu ku celiyay qaylo dhaan uu ka diray degmada Lughaya iyo khasaarahii ay halkaasi ka gaysteen roobabkii u dambeeyay, waxana uu maayarku sheegay in loo baahan yahay in gurmad xoogan lala soo gaadho degaamada Lughaya ee uu qasaaruhu dambarsaday.”
Mustafe Caraale
Gobanimo news.com
Borama office