Friday, December 6, 2013

Somalia: Haweenay Ajaanib ah oo lagu dilay Muqdisho


Muqdisho(GNA)-Kooxo hubaysan ayaa la sheegay inay maanta Magaalada Muqdisho ku dileen Haweenay Macalimad ah ka ahayd mid ka mid ah Jaamacadaha Magaalada muqdishi ee Caasimada Somaliya.




Rag hubaysan oo la sheegay inay Diryaska Ciidamada Dawladda xidhnaaueen ayaa si fool xun u toogtay Layla Naabuurya  oo ahayd Macalimad Muslimad ah oo u dhalatay Dalka Ugadha, xili ay la socotay Gaadhi ka mid ah Gaadiidka Jaamacada, lana socdeen macalimiin kale.




Mid ka mid ah Macaliniintii la socday, ayaa warbaahinta  u sheegay in raga hubaysani gabadhaasi markii ay dilayeen dadka kale ka dejiyeen, dabadeed-na ay rasaas la dhaceen, taasoo dhaawac culus oo ka soo gaadhay ay isla markiiba u geeriyootay.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee Magaalada Muqdisho oo la xidhiidha dilka Macalimadan, balse goob-joogayaal ayaa sheegay inay halkaasi ka baxsadeen dadkii dilka geystay, ka hor intaanay ciidamo ka socda nabad sugidu soo gaadhin.




Dalka Uganda ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamada nabad ilaalinta Amisom ka joogaan somaliya, kuwaasoo dagaal qadhaadh la galay xoogaga Al-shabaab tan iyo markii ay Somaliya yimaadeen.




Gobanimonews




Muqdisho Office