Wariye RRU-du ku tumatay oo Waramay iyo Arji damaanad ah oo Solja lagu diiday”Akhri
Hargeysa(GNA)-Ciidamadda Sirdoonka iyo ciidanka Booliska, ayaa shalay si xun u garaacay wariye Cabdirashiid Sheekh Cabdiwahaab Sh. Ibraahim oo ka tirsan madaxda wargeyska madaxa banaan ee Foore oo ka soo baxa magaaladda Hargeysa.
Cabdirashiid Sh. Cabdiwahaab ayaa sheegay in jidh dil iyo garaacis badheedh ah lagula kacay, isla markaana maxkamadda horteedda ay askartu iskugu tageen, waxaanu isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Aroortii hore ayaa wariyeyaal isoo sheegeen inay loo diiday in afarta wariyee xidhan
quraacdii loo geeyo, ka dibna waxaan isku dayey inaan quraacda siiyo, laakiin markiiba waxa la keenay maxkamadda waxaana kaga daba imid maxkamadda, anigoo ka codsaday in quraacda raga xidhan la siiyo ka dibna loo geeyey Quraacdii, ayaa anigoo kamaradda iyo laba mobile gacanta ku sita uu igu soo cararay nin C.I.D-da ka tirsan oo la yidhaa Cali Askari oo igu yidhi waxbaad sawiraysay, ka dibna waxa igu dagay hal mar askar faro badan, waxaanay feedh, bud iyo qoriga dabadiisa igala dhaceen dhabarka, madaxa iyo
Wejiga oo ay iga muuqdaan Bararka, waxaana hortiisa la igu dilayey Taliyaha Sirdoonka Daahir Muuse Abraar, waxaana kamaraddii iyo Mobilekiiba loo dhiibay taliyaha Muuse Abraar, Ciidanka jidh dilka igu sameeyey waxay ahaayeen Ciidanka C.I.D ee wariyeyaasha waday, Ciidankii kale ayaa isku dayey inay iga qabtaan oo iga furdaamiyey ka dib markii dawakhaaddii iga ba’day ayaan arkay taliya Muuse Abraar oo qalabkaygii gacanta ku haya, waxaanu igu daray kiiskii afarta wariye loo haysto oo uu shan igaga dhigay, laakiin garsoorihii ayaa yidhi halkan afar wariye ayaan ku hayaa ee wariyahan shanaad muxuu yahay, waxanu yidhi imika ayuu ku soo biiray oo uu dambi galay isagoo doonaya inuu isla kiis naga wada dhigo, waxaanu garsoorihii yidhi isaga arrintiisa gaar uga dhigo, ee afartan wariye maxaad ku haystaan, waxaanay ku eedeeyeen kicin dad iyo inay mudaharaad aan sharci ahayn la hor yimaadeen madaxtooyadda horteedda”.
Waxaanu intaas ku daray “Nimankii wariyeyaasha ahaa ee xidhnaa waxay ahaayeen qaar muuqaalkoodu aad u xumaa, waxa hoolka dhexdiisa ay askartu ku jug jugaynaysay, iyagoo u diidanaa inay faalal noqdaan, isla markaana kolba isku soo dhowaynayeyy, iyagoo aflagaaddo iyo cay kula kacayey, mararka qaarkoodna wariyeyaasha xidhan waalkood caayey oo si bahdilnimo ka muuqato ula dhaqmayey wariyeyaasha”.
Cabdirashiid sii sharaxaya siday wax u dhaceen waxa uu yidhi “waxa kale oo xusid mudan inay Garsoorka ka codsadeen inay xukunkooda si degdeg ah u xukumo, dabadeed Garsoore wuxu yidh waa la furi doonaa ee dib u celiya, waxa xusid mudan in anigoo halkii taagan oo ciidanka dhexdiisa taagan ay qaarkood gacan ii qaadayeen, ninka aad ii garacayey ee taliyaha hortiisa igu feedhay waxa la yidhaa CawiL wuxuuna ka mid ahaa askartii wariyeyaasha waday ee sida axmaqnimadda ula dhaqmayey wariyeyaasha, waxaanu taliyaha yidhi ninka xidhan maxaad u garacaysaa, waxaanu taliyuhu igu yidhi waxaan kugu siidaynaya askariga ku soo xidhay ee hortayda kugu garaacaya, waaana khalad in adigoo xidhan lagu garaaco ee iska tag intaas ayaad ku badbadee”
Dhinaca kale, waxa isna Gudaha maxkamadda mudo kooban lagu xidhay Wariye Cabdiraxmaan Buraale oo ka mid ah wariyeyaasha Telefishanka Somaliland
Space Chanel kaasi oo laga xidhay maxkamadda Gobolka Hargeysa oo uu markaasi la socday Xoghaya Guud ee Ururka suxufiyiinta Somaliland Maxamed Rashiid Muxumed Farax oo Markaasi maxkamdda u joogay hawlo la xidhiidha wariyeyaasha xidh xidhan.
Wariyeyaashan u xidhan xukuumadda ayaa loola dhaqmay si ka baxsan bani’aadanimada, kuwaas oo dadweynihii goobta joogay u qaateen inay maxkamada la keenay rag argagixiso ah oo qarnka dambi ka galay.
Cabdiraxmaan sheikh Cabdiwahaab, ayaa sheegay inay si xun ula dhaqmeen ciidanku, isla markaana jidh dil u gaysteen, waxa kale oo uu sheegay inay sidoo kale wariyeyaasha xidhan loola dhaqmo si ka baxsan bani’aadanimada oo dhibaato badan ka tirsanayaan ciidanka Booliska.
Cabdirashiid ayaa sheegay in wakhtigii la garacayey ay ku daawanayeen taliyeyaasha goobta joogay, isl markaana u muuqday inay amar ku haystaan garacidda wariyaasha, isagoo intaas ku daray inay askarta qaarkood sheegay inay ku amran yihiin in qofkii kamarad ku arkaan ay dilayaan.
Dhinaca kale, xoghayaha guud ee ururka Saxaafadda SOLJA Maxamed Rashiid Muxumed Faarax ayaa maxkamadda gobolka u gudbiyey codsi ah inay ku siidaayaan afartan wariye damaanad, isla markaana mar kasta oo ay u baahdaan maxkamadda la keenayo, haseyeeshee ay dacwadooda ku qaataan dibadda, haseyeeshee maxkamadda gobolka Hargeysa ayaan illaa hadda uga soo jawaabin.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com