Monday, December 23, 2013

Ma’Dooneeysaa in aad ka bad baado Cudarada ku dhaca Kilyaha ?(Daraasad)


(GNA) Fariin Caafimaad : Si aad uga bad baado Xanuunada ku dhaca Kilyaha aqri oo ku dhaqan Qodobadan:




Dadka ka Cabanaya Xanuunka kilyaha ee ku nool Dalka Hindia ayaa lagu qayaasaa 5-7 Malyuun oo ruux ,Dr Iindian ah oo lagu Magacaabo SAD LAGAAY kuna Takhasusay Xanunada ku dhaca Kaadi Mareenka ayaa sheegay in ay sii kor dhayaan dadka xanuunada kilyaha ka cabanaya dalkaasi Hindia.




Dadka ugu Badan ayaa ah kuwa ka shaqeeya goobaha aadka u kulul fursad wanaagsanna aan u helin in ay Biyo Cabaan.




Si aad u daryeesho bad qabka Kilyahaada ku dhaqan qodobadan :




1-Cab maalin walba Cabitaan farabadan oo isu dheeli tira jirkaaga.




2-Cab Cabitaanka Liimooniga ah oo laga sameeyay Miraha dhirta ,kuwaa oo la’ogaaday in Jirka ay ka nadiifiyaan wixii wasaq ah .




3- Yaree cunista Raashinka ay ku badan yihiin Maadooyinka Balaoxlat ,Maadaan waxaa laga helaa Shaaha la’barafeeyay .




4-Yaree Qaadashada caffeine ee laga helo Qahwada ama shaaha iyo qaar ka mid ah Cabitaanada .




5-Yaree Cunista wax yaabaha Cusbada ay ku badan yihiin sida raashinka .




6-Xiriir Joogta ah la samee Takhtarkaaga gaarka ah.




Diyaariye:C/qaadir askars




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com