Monday, December 2, 2013

Cali Daacuun: 184 mudane ayaa dhawraya waxaa uu xasan Shiikh soo wado Saacid ka dib!


Wasiiradii Tirada Yaraa Ee ka mid ahaa Dowladdii Codka Kalsoonida Weysay Haddii Dib Loo Magacaabo Oo Barlamaanka la keeno Lana ansixiyo wuxuu baarlamaanka ku sifoobayaa Masuuliyad Darro




Waxaa xusid mudan in la xasuusto in Xukuumaddii halka sano jirsatay lagu eedeeyey wax qabad la’aan siiba Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada haddii ay dhacdo in madaxweynuhu uu ku dirqiyo Ra’iisulwasaraha Cusub ee imaan doono inuu kusoo daro wasiiradaan waxay u muuqan doontaa in la xisaabtankii Dowladnimo uu lumay.




Haddii aan wax yar ka iftiimiyo Xukuumaddii hore waxay aheyd xukuumad kooban oo ka kooban 10 wasiir oo wasaaraduhu ay isa saaran yihiin waxay qabteena lama hayo, maatana oo xukuumad cusub la filaayo waxaa la maleysanayaa in Ra’iisulwasaaraha Cusub loo yeerin doonin golihiisa wasiirada maxaa yeelay (Ku quuso Quraanyo) waxaan ula jeedaa murtadaas in madaxweynuhu garto in uu Lumiyey fursad aan cidina ku aqoon loona garaabay markii uu gacanta la galay howshii fulinta maanta cid ka aqbaleysaa ma jirto sababtoo ah (Waa Dhaawac Culus) waxaana dhaawacay:




1)    Fadeexadii Bank-ga.




 




2)    Wax qabad la’aan.




 




3)    Isagoo u tafa xeytay hantina ku bixiyey mansab siyaasadeedna ballan qaaday haddii saacid la tuuro inuu Fulinaayo ballanqaadyadaas.




Maanta Ra’iisulwasaarihii wuu waayey codkii kalsoonida waxaa isku soo haray qabaa’ilkii, shaqsiyaadkii madaxweynuhu dagaalka hore geliyey in loo fuliyo wixii heshiis ahaa ee la wada galay haddii ay taas dhici weyso madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxaa dabka ugu jira  Madane, Madanahaas oo ah 184 Xildhibaan Ee Saacid riday waxay sugayaan ciddii ay ku tijaabin lahaayeen ha noqoto Guddoomiyaha baarlamaanka ama Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, Murti baa Oraneysa (Xabaal Iyo Ninkeedii Loo kala tag) waxaa laga filayaa Xasan Shiikh inuu kasoo baxo ballanqaadyadii, Xildhibaanada way kasoo baxeen ballanqaadkoodii oo ahaa in Saacid la rido.




 Sidoo kale waxaa meesha ka marneyn 65-tii xildhibaan ee u coddeysay Saacid oo u muuqday inay ahaayeen raggii ugu waaweynaa Xildhibaanada waxayna isku dhaarsadeen inay meel ka soo wada jeestaan (laba daran mid dooro) ayaa ku soo fool leh Xasan Shiikh Maxamuud




Haddii aan Saadaaliyo Siyaasadda waxaan Saadaalinayaa in Ra’iisulwasaaraha cusub noqon doono (Nuur Cadde) waxaan uga jeedaa nabsi siyaasadeed ayaa ku buuxsamay Xasan Shiikh Maxamuud meel uu ka marana ma jirto.




Cali Maxamed Axmed (Cali Daacuun)




Khabiir Siyaasaddeed




Muqdisho/Somalia