Monday, December 2, 2013

Nickolas Kay: Waa in si Dhakhso ah loo magacaabo Raysal-wasaare cusub"


Muqdisho, (GNA) – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland  Nicholas Kay, ayaa ammaan u soo jeediyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ee jagada ka degaya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid,




Nicklas Kay ayaa  tilmaamay kaalinta mas’uulnimada leh ee Baarlamaanka Federaalka iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ay u maareeyeen mooshinka  “kalsooni kala noqoshada xukuumadda”.




 




“Waxaa muhim ahayd in hawshan baarlamaaniga ah ee aan hore loo arag loo maray si waafaqsan dastuurka KMG ah iyo nidaamka iyo xeer-hoosaadka u degsan baarlamaanka”, ayuu yidhi.




 




“Hay’adaha Dowladda Soomaaliya waxay gaarayaan bisayl. Qaramada Midoobayna waxay halkan u joogtaa inay taageerto horumarkooda, waxayna ku hanweyntahay inay si wax ku ool ah ula shaqeyso hay’adaha cusub. Ra’iisal Wasaaraha jagada ka degaya, Shirdoon, shaqo adag ayuu ka qabtay siduu u horumarin lahaa kobaca iyo horumarka, wuxuuna qayb muhim ah ka ciyaaray sameynta Heshiiskii Hiigsiga Cusub ee dhexmaray bulshada caalamka iyo Soomaaliya.”




 




Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay wuxuu sidoo kale sheegay in loo baahanyahay in degdeg loo magacaabo Ra’iisal Wasaare cusub sida ugu dhaqsiyaha badan si loo sii wado horumarka laga gaadhay siyaasadda iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya. “Waxaan rajeynayaa in Madaxweynuhu uu yeelan doono wadtashi buuxda ka hor inta aanu soo xulanin Ra’iisal Wasaaraha cusub. Waxaa dhammaanteena dani noogu jirtaa in Ra’iisal Wasaaraha iyo dowladda cusub ah ahaadaan kuwo ballaadhan oo loo wada dhanyahay, oo dalka mideyn kara, awoodna u leh inay Soomaalida u keenaan waxay u baahanyihiin – oo ah nabad, sharci iyo kala dambeyn, kobac dhaqaale iyo adeegyo guud oo wanaagsan.”




 




Wuxuu sidoo kale ku guubaabiyay Baarlamaanka Federaalka inuu dadaal weyn bixiyo isagoo eegaya danta guud oo horumar ka sameeyo sharci-dejinta iyo hawlaha kale ee dastuuriga ah ee dalku degdega ugu baahanyahay.




 




“Sanadaha soo socda, waxaa muhim ah in Baarlamaanka, Xukuumadda iyo Madaxtooyadu ay sii wadaan inay si wax ku ool ah u wada shaqeeyaan iyagoo si buuxda u dhowraya Dastuurka Federaalka ee Ku Meelgaarka ah, ayuu yidhi Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.




 




Gobanimonews




Hargeaysa /somaliland




editor@gmail.com