Anchora(GNA)-Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkey, Muammer Guler, ayaa waydiistay reysal-wasaaraha dalkaasi inuu ka aqbalo istiqaalad uu isku casilayo kadib markii la xidhay wiilkiisa oo loo haysto musuqmaasuq.
In ka badan labaatan qof oo u dhow dowladda Ra'iisalwasaare Racep Tayyip Erdogan ayaa la xiray Musuqmaasuq.
Laakiin Mr Guler, ayaa beeniyay inuu qalad galay, isagoo sheegay inay ku xiran tahay Ra'iisalwasaaraha inuu aqbalo iscasilada uu waydiistay.
Istanbul kumanaan qof ayaa ku banaanbaxay iyagoo waydiisanaya in dowladda Erdogan ay is casisho bilo hor.
dadka banaanbaxaya ayaa boliiska ku kala eryay biyo iyo gaaska ilmada keena.