Tuesday, December 24, 2013

Burco oo sidii 1993-kii Maanta Bari iyo Galbeedk u kala baxday iyo Shacbiga oo Rasaas isku difaacay


Khasaaraha ka dhashay rabshado u dhex maray dad laba daamood ka soo kala jeedda oo isku dhacay, askar la dhaawacay, Mucaaridka oo Cambaareeyay iyo Xukuumadda Bandow ku soo rogtay + Video"Warbixin




Burco(GNA)-Xaalada Magaalada Burco ayaa degen Caawa saacadihii dambe, laakiinse wali waxa qaybo ka mid ah Magaalada laga cabsi qabaa isku dhac bulsho iyo xiisad kale.




Mudaharaad saaka laba gabble socday ayaa joogsaday,markii uu shaacu madoobaaday caawa.




Khasaare badan oo naf iyo maalba leh ayaa ka dhashay mudaharaadkaasi.




Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tirada dadka ku dhintay, hase ahaatee ilaa hada waxa la xaqiijiyay hal qof oo qudha, kaasoo gelinkii hore ee Maanta Bilaysku xabad ku dhuftay.




Waxaase jira warar kale oo sheegaya in dhimashadu gaadhayso ilaa 4 ruux oo shacaba.




Dhaawacyada ayaa gaadhaya ilaa labaataneeyo ruux oo Shicib iyo ciidanba isugu jira.




Dadka shacbiga ah ayaa askarta la dhacay Dhagax iyo walxo kale oo ay iskaga caabiyayeen intii dibadbaxu socday.




Dhaawaca ayaa isugu Askar badan oo ciidanka bilayska ah iyo dad rayid ah oo dhagax iyo Rasaasi ku dhaceen.




Inta badan goobaha Ganacsiga ee badhtamaha Magaalada, gaar ahaan agagaarka Zero-ga ayaa xidhnaa gelinkii dambe ee Maanta.




Xarumo Ganacsi oo tiro badan ayaa la gaadhsiiyay khasaare baaxad leh, waxana ka mid ah Xarumaha Shirkaddaha isgaadhsiinta, Dhismaha Deero Huteel ee badhtamaha Magaalada iyo goobo kale, kuwaasoo dibadbaxayaashu waxyeelo gaadhsiiyeen.




Dibadbaxayaal Bariga iyo Galbeedka ka soo kala jeedda oo isku dhacay




Rabshadaha ayaa gelinkii hore ee Maanta u dhexeeyay dadweyne gadoodsan iyo ciidanka amniga oo isku dayaye inay xoog ku kala dareeriyaan, hase ahaatee gelinkii dambe waxa isku dhac dhex maray Dadkii hore u mudaharaadayay iyo kale oo ka soo horjeeda.




Isku dhaca dambe ayaa yimi wax yar ka dib markii lagu guulaystay in la dejiyo dadkii saaka mudaharaaday, kuwaasoo ay goob fagaare ah kula hadleen xubno wasiirro ah oo mashaqadan kula kulmay magaalada oo ay hawlo shaqo oo kale u yimaadeen.




Dhalinyaro iyo haween ka yimi Xaafaddaha Bariga Magaalada ayaa Shiid iyo fowdo ku bilaabay dadkii la kala dareeriyay, waxaanay xaaladu isu bedeshay waji kale oo ah isku dhac shacbi oo baaxad weyn.




“Khasaaraha ilaa hada la hayaa waa dhimasho hal qof ah iyo dhaawac badan oo askar iyo shacba isugu jira”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Nin magaciisa la yidhaahdo Axmed oo ku sugnaa cisbitaalka guud.




Suldaan ka Waramay Rabshada iyo Xaalada Magaalada




Suldaan Maxamed Cunne oo ka mida Madaxdhaqameedka Gobolka ayaa sheegay in xaaladu caawa kala degentahay, laakiinse wax walba la filan karo.




“Xaaladdu iminka way kala degentahay, inkasta oo wali xiisadu kacsantahay, dadkii dagaalamayayna markii habeenku madoobaaday iskood u kala tageen”ayuu Gobanimonews u sheegay.




Suldaanka ayaa intaasi ku daray “ciidanka Bilaysku waxay joogaan agagaarka Saldhiga dhexe iyo Zero, laakiinse xaafadaha kale ee Koonfurta oo ay labada dhinac iska soo gaadhayaan wax ciidan ah lama geyn”.




“waxa dagaalamayaa waa dhalinyaro iyo dumar ee cid dad waaweyn ah kuma jiraan labada dhinac, cid waayeel ah oo ilaa hada waaweyn gashayna ma jirto oo xaalada ayaa wali sii taagan”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Guddoomiye Xamarje oo Shaqaaqada ka hadlay




Hase ahaatee Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi, oo Idaacadda VOA-da la hadlay ayaa sheegay inay odayaasha Magaalada, maamulka oo uu hormuud ka yahay iyo Wasiirrada ku sugan Magaaladu ka wada hawl-galeen dejinta xaalada kuna guulaysteen.




Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay tirada dadka dhintay iyo Dhaawacaba “qof ayaa dhintay rasaas seeraaro ahi, laba askari oo bilays ah ayaa iyaguna ku dhaawacmay”.




Ganacsatada oo gacantooda isku difaacay markii ay hantidooda u baqeen




Dad goob-joogeyaal ah ayaa Gobanimonews  u sheegay in intii rabshaduhu socdeen meelaha qaar dadka goobaha Ganacsiga ku haystay xabad iskaga waabiyeen dadka mudaharaadayay “Ganacsatadu waxay isticmaalayeen xabad oo ay iskaga difaacayeen dadka rabshada waday oo ay ka cabsi qabeen inay isla jiidhaan, laakiinse korbay u ridayeen”sidaasi waxa sheegay mid ka mid ah dadkii ku sugnaa meelaha suuqa ee shaqaaqadu ku fiday.




Inkasta oo sida la sheegay caawa xiisadu iskeed u qabowday , hadana  Maamulka Dawladda ayaa amray Bandow aan wakhti lagu cayimin, waxaana Magaalada laga dareemayaa dhaqdhaqaaqa ay samaynayaan ciidamada amniga oo gelinkii dambe ee Maanta lagu xoojiyay kolanyo ka mid ah Bilayska ka hortaga xaalada deg dega ah (RRU-da).




Xisbiyadda Mucaaridka Cambaareeyay Rabshada Baaqna soo saaray




Dhinaca kale, hogaamiyeyaasha Asxaabta Mucaaridka ah iyo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan ayaa siyaabo kala duwan u cambaareeyay shaqaaqada magaalada ka dhacday, waxaanay ku baaqeen in dhakhso loo soo afjaro.




Musharaxa Xisbiga Ucid Jamaal Cali xuseen oo Warbaahinta ka hadlay ayaa cambaareeyay rabshadaha Burco iyo kuwo kale oo ka dhacay Magaalada Burco.




Jamaal ayaa sharci daro ku tilmaamay bixinta Dhulka ay ku fadhido Wershada Kalluunka ee Nec Fish ee Magaalada Berbera oo uu sheegay in Nin Ganacsade ah lagu wareejiyay “waxaan dhaleeceynaynaa falalka qabyaalada iyo cabudhinta ee ay xukuumaddu ku kacayso, xaruntii Nec Fish iyo Maktabadii Qaranka ayaa nin ganacsade ah lagu wareejiyay , Tiyaatarkii oo Nin Ganacsade ahi maal-gashaday ayaa isagana nin la siiyay, arrimahaasi waanu ka soo horjeednaa”ayuu yidhi.




Dhinaca kale , guddoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha wakiillada Cabdiraxmaan Cirro ayaa war uu caawa soo saaray ku cambaareeyay rabshadaha maanta ka dhacay Magaalada Burco, waxaanu ku baaqay in la joojiyo waxyaabaha amni darada abuuraya.




Ma jiro wax war ah oo faahfaahsan oo dhinaca Wasaaradda arrimaha gudaha iyo xukuumadda sare ka soo baxay.




Daawo Maanta  iyo Burco + 1993-kii




halkan ka daawo vedio:








Si kastaba ha ahaatee Magaalada Burco ayaa caawa sawir ahaan u eeg marka la eego xaalada ka taagan, wakhtigii waddanka oo dhan ay Dagaalada Ehliga ahi ka socdeen ee sanadihii 1993-kii, xiligaasoo Magaaladu laba qaybood oo bariga iyo Galbeedka ah u kala qaybsantay dirir bulshada wada degen ka dhex dhacday awgeed.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com