Tuesday, December 24, 2013

Ninkii Ikhtiraacay Qoriga Ak-47 oo Geeriyooday Maanta isagoo 94 jir ah,kumuuse ahaa?


Moscow(GNA)-Ninkii alifay qoriga caanka noqday ee Kalashnikovka AK47 Mikhail Kalashnikov ayaa geeriyooday isagoo 94 sano jir ah.




Qorigan uu ikhtiraacay Kalashnikov sanadkii 1947dii ayaa noqday mid dunida oo dhan laga isticmaalo isla markaana dagaalada dunida ka dhaca intooda badan la isticmaalo.




Kalashnikov ayaa la dhigay isbitaal bishii November ee sanadkan kadib markii uu ku dhacay dhiig bax gudaha ah. Waxana uu ku dhintay maanta magaalada Izhevsk oo u dhinaca Bari ka xigta magaalada Moscow 600 oo mile.




Inkastoo lagu sharfay ikhtiraacida qorigan ayuu haddana ka helay lacag aad u yar markii uu farsameeyay. Miikhail Timofeyevich Kalashnikov ayaa ku dhashay galbeedka Siberia 10kii November 1919,waxana uu ka mid ahaa qoys ka kooban 18 carruur ah.




Sanadkii 1938dii ayaa loogu yeeray inuu ka mid noqdo ciidamadii Midowga Soviety ee Red Army waxana xirfada uu lahaa ay qeyb ka noqotay sidii loo horumarin lahaa hubka ay isticmaalaan ciidamada taangiyada.




Hase yeeshee waxa uu farsameeyay qoriga caanka ku noqday Ak-47 kadib markii uu weydiiyay askari ay saaxibo ahaayeen sababta uu Ruushku u samaysan waayay qori la mid ah kuwa ay isticmaali jireen xilligaasi Jarmalka.




Farsamaynta qoriga AK47 waxa uu dhamaaday sanadkii 1947dii labo sano kadibna qorigan waxa uu noqday mid ay la qabsadeen isticmaalkiisa ciidamada Sovietiga.




Waxa la siiyay bilado badan oo ay ka mid ahaayeen Order of Lenin iyo the Hero of Socialist Labour.




Kalashnikov waxa uu diiday in uu aqbalo mas’uuliyada dhimashada dad badan oo uu qoriga uu ikhtiraacay noloshooda galaaftay, waxana uu ku eedeeyay siyaasada dalalka kale ee caalamka inay sabab u yihiin dhimashada uu sababo qoriga Ak47.




"Aad ayay ii dhibtaa markaan arko dad dambiilayaal oo ridaya qoriga aan ikhtiraacay,"ayuu yiri Kalashnikov sanadkii 2008.




Qorigiisa ayaa meelaha uu caanka ka noqday ee lagu isticmaalo waxa ka mid ah dhulka Somalida, iyadoo xiliyo ka mid ah qarnigii la soo dhaafay Hablaha yarad loogu kala qaadan jiray.




Waxa lagu tirin karaa qoriga Ak-47  hubka ay dadka somalida ahi isku gumaadeen 23-kii sanadood ee ay Dawlad la’aanta ku jireen iyo xili colaadeed kasta oo geyigooda ka dhaca.