Tuesday, December 24, 2013

Falecelin Maqaal gaar ah


Jawaabta Maqaalka uu qoray ninka la yidhaa Abdi Mustafe ee cinwaakeedu ahaa - Baashe oo cidla ciirsila ka cataabaya iyo calaacal aan meela gaadheyn.




Bashe sideed sanno ayuu ahaa guddoomiye kuxigeen ciilna uma qabo Gudoomiye umana baahna. Baashe waa maalqabeen aan u baahnayn waxad sheegayso iyo in la soo diro toonaah




Muu ka soo xaadiri waayen ee gudoomiyaga aadd amaaneyso ee ciro ayaa khaain ah oo yidhi barlamaanka lama furayo manta. Ninka manta leh anigaa meesha ka taliya siduu wadan u xukumi waakan madaxweyne u hanqaltaagaye. Saw berrina manoqonayo keligii taliye (dictator, ileyn ruuskibu ka soo barte).




Baashe kaa cafimaad badan doqonyohow. Ummaduna wey ogyihiin cida daawada dimirka kolba finland ka soo xambaarata ee kolna xasan sheikh Nairobi habeenki ugu dhuumata.




Basha maydin soo dhaweyn ee wuxuu yimid dalkisii wanna nin Somalilander ah adiga iyo qayrkaana uga fasax qaadan mayo Somaliland, adigoo waxaad tahay la aqoon ayaa lagu soo abaabulay oo qabiil lagugu soo abaabulay baashese ilaa SNM waanu naaqanay waxtarkissa dalkan ee hadaad been sheegayso been run u eg sheeg keen, dadkuna wey ogyihiin colaadi ka dhaxaysay isaga iyo Ina Suleiman dafle, iyo inay Somaliland daradeed ku coloobeen.




Waxaad baashe cay uga dhigtay xaaskisa ayuu maqlaa, Jaahilnimaa ku haysee horaa loo yidhi ninkasta oo guulaystay waxa ka dambeysa ruux dumar ah (behind every successful man there is a woman)




Bashe inuu ciro iyo noocisa isku dhereriyo uma baahna waa la kala yaqaana. Xoolo iyo wasiirnimotoona uma baahne soo wareyso, Rag iyo xoolaba wuu buuxa alhamdulilah.




Cirahaad manta amaaneysid waa ninka leh anigaa keliday barlamaanka ka taliya berrina muxuu odhan (ummadey iminkaba iska jira, nin kuu digay kuma dilin).




Waxad is tidhi nimanka Ilmaadeerka isku dir Baashe iyo xaglatoosiye waa saxiib, baashana wasiir wuu ka sareeya mana doonayo haduu rabanna wuu dalban lahaa cidina uma diideen oo kuwa ka horeyeyba intay ka baxeen golaha ayey wasiiro noqdeen




Waxad tidhi Hadaad istidhaa Abdirahman Ciro isku dhereri waad lugo aysaa indhana dab baa kaa leefi.  Cabdi isku sheegow faanka iyo waxanala yidhaa ilma libaax sanka taabte ceebtina mahe waa caadadiina waa la’idinku yaqaana  iska daaya qabyaalada iyo ciriqan xun ee idinku jira adiga iyo kuwa kula midka ah ee meelaha waxaa soo dhiga




Adigu ka dhex calaacal barafka Kanada




Fatumo Faarax < Fatumiina45@gmail.com>