Borama(GNA) Wararka ka imanaya degmada Garbodadar, iyo qaybo ka mid ah degmada Lughaya ayaa laga soo sheegaa inay isa soo tarayso dhimashada xoolaha dagaan kaas oo u dhimanaya xanuun aanan wax badan laga aqoon, sidana waxa shabakada u xaqiijiyay qaar ka mid ah oday dhaqameedka degaankaasi.
Caaqil Mahdi Cali oo shabakadu ay la xidhiidhay ayaa uga waramay sida ay xoolahu u dhimanayaan waxana uu yidhi “ xoolo door ah ayaa dhintay isla markaana u dhintay xanuun aanan garanayn balse aan u malaynay inuu yahay SUNSUN, waxa aan qaylo dhaantan gaarsiinay degmada ilaa hadana ma jirto wax laga qabtay, xoolahiina way socdaan.
Oday Faarax Abtidoonayaa isaguna ka waramay waayo aragnimadiisa dhadadan dadkii xoolo dhaqatada ahaa caydhaysay waxana uu yidhi “Xoolaha dhimanaya waxaa ugu badan adhiga, xerooyin markii hore buuxay ayaa xanuunkan dartii maanta ku dhow inay madhaan, ma naqaan waxa uu xanuunkan yahay, wasaarada xanaanada xoolahuna nama soo gaadho oo waxay ila tahay waxa ay ku egyihiin shaqaalaheedu meelo gaar ah, mana jiro wax talaal, wardoon iyo warbixinba u socda oo aan aragnay, xaaladana waan ka dayrinaynaa”
Si kastaba ha ahaatee degmooyinka Lughaya iyo Garbodadarar ayaa dadka ku nooli waxa ay u badan yihiin xoolo dhaqato, waxana aad u yar talaalka xoolaha loogu talo galay ee soo gaadha degaanadaasi, waxana aan meesha ka maqnayn in shaqaale tiro badan oo loo soo diray inay xoolo soo talaalaan ay ka soo laabteen degmooyinkaasi iyaga oo aan waxba soo talaalin sababtuna ay tahay kulaylka xoogan ee aalaaba ka dhaca xeebaha oo marar badan xumeeyay talaalkii u baahnaa qabowga, iyada oo ay meesha ku jirto in ku talagalka Wasaarada Xanaanada Xooolaha ee ku aadan dhinaca qabooyinta Talaalku ay tahay mid dhaliilsan oo aan shaqaynayn, isla markaana aan lagu jaangoyn sida looga hawl galayo dhul kulayle ah oo talaalka xoolahu uu u baahan yahay qabooyin iyo baraf joogto ah
Gobanimo news.com
Borama/somaliland