Waa la hubaa, In lagu dhawaaqi doono ra'sul wasaaraha, waxaase la is weydiinayaa muxuu noqon doonaa wasiirka Koowaad, ee uu soo wado madaxweynahu.
Shakhsiyan Waxaan qabaa in Baadi doon loogu jiro (YES MAN), balse waxa uu ka noqon doono gadaal marka uu helo codka kalsoonida lama garan karro.
Waxaan Saadaalinayaa Inuu noqon doono Ra'isulwasaare ka faa'iidesta Ololihii Mooshinkii xaqdarada ahaa ee laga keenay Ra'isulwasaarihii hore.
Taariikhda waa ku UGUB Ra'isulwasaare laga qaado INTERVIEW maxaa yeelay Ra'isulwasaaruhu ma'ahan Shaqaale soo maraya, Wasaaradda Shaqada ee waa Shaqsi Wata CV-giisii waxa aqoontiisu tahayna waxaa ka waramaya CV-ga uu wato.
Waxaa Halkaa ka cad kooxda yar ee ku bahowday dulmiga inaaney khibrad siyaasadeed iyo mid dowladnimo laheyn.
Ra'isulwasaarihii xilka laga qaaday, ka dib waxaa soo iftiimaya inaney jirin wax ay ku heshiiyeen ragii u tafaxeytay burburkii Xukuumadii Hore, Waxaana maanta cad in aan laga fakarin wax badiil ah oo ay ku heshiiyeen kooxdii yareyd ee afgambiga ku soo sameysay xukuumadii jirtay halka sano.
Habdhaqanka JABHADAHA waxaa ka mid ah horta aynu wax ridno, ka dibna markeynu ku guuleysano ridista ayeynu wax dhisi doonaa, inta badan taladaas wey fashilantaa waxeyna ku dambeysaa walaac, guuldaro iyo in qofba - qofka kale yiraahdo adiga ayaa keenay guuldaridaan.
Raagista Magacaabida Ra'isulwasaaraha, waxaa ku xeydaaman koox kala maslaxad ah iyo 184-tii mudane oo mid walba ka samri la'yahay balanqaadkii dhexmaray iyaga iyo madaxweynaha.
Mana suurtoobi karto in madaxweynuhu hal mar wada raaligaliyo mudanayaashii uu ka balanqaaday xilalka iyo dhaqaalaha maxaa yeelay inta badan mudanayaasha waa LA ISTICMAALAY waxeyna ku qasban yihiin iney sugaan fursad siyaasadeed oo ay ku aarsan karaan kagana samraan wax ay hibanayaan.
40-Mudan oo ka soo jeeda Beesha Daarood oo saxiixay Mooshinkii lagu riday Saacid, ayaa maanta is arki karayn, waxaana u sabab ah ma laheyn talo ay heshiis ku ahaayeen ridista Ra'isulwasaarihi hore ka bacdi marka ay ridaan.
Halkaa waxaa ka cad inaaney jirin qorshe siyaasadeed, oo ka soo maaxaya maskax Ilaahey ku maneystay siyaasad marka laga reebo 14-ka Xildhibaan ee Beesha Sade Daarood.
Madaxweynuhu wuxuu kala kulmayaa magacaabista, wasiirka koowaad dhibaato aad u fara badan oo xusuusineysa Maxaa Kuu Geeyay Inaad Ridid SAACID waayo (Labada Culeys Waxaa aad u weyn kan maanta heysta, Kumana maareyn karo, balanqaad dambe, maxaa yeelay waxaa meesha taala Murti oraneysa (MUUMIN LABA JEER GOD LAGAMA WADA QANIINO) wuxuuse madaxweynuhu ku kala furfuri karaa mudanayaasha gadoodsan dhaqaale gaaraya $7,000,000 (Todoba Milyan Oo Doolar) waana hubaa iney u sahlanaan karto magacaabista Wasiirka Koowaad iyo Ansixintiisuba.
Shacabka Soomaaliyeed, Waxey u baahan yihiin xukuumad ka madax banaan faragalinta Madaxweynaha, kuna dhaqanta qodobada ugu qoran dastuurka ee khuseeya Wasiirka Koowaad, hadii ay timaado Faragalin in lagu sameeyo shaqada ra'isulwaaraha waxaa imaan doona wax ka fool xun waxa maanta yaala waxaana mas'uuliyadda qaadi doona Madaxweynaha.
Cali Maxamed Axmed
KHABIIR SIYAASADEED