Monday, December 23, 2013

Madaxweyne Dhegaa ilaahay iga maqal!


Dadkan iyo dalkani ma qaadi karo xasarad iyo iska hor keen.Madaxweyne sidan maamulkaagu wadaana waxay abuuraysay kicin iyo xasilooni darro.




Ma dastuuri-baa mise waa xeer fara gelinta go’aanka ka soo baxay (House of representatives) ee cod aqlabiyad ah lagu ansaxiyay.Maxaa keenay Madaxweyne inaad dacwad ku lid ah u gudbiso maxkamada Sare/Dastuuri.Maxkamadu se awooda ay ku hakin karto ma jeebka ayay kala soo baxday.Miyaanu go’aanka wakiiladu codka aqlibayada ah ku ansaxiyeen ahayn xeer hoosaad golaha u gaar ah.Madaxweyne ummada waxa qanciyaa waa cadaalad iyo dastuur,amar ku taalaynta iyo awood sheegashadu waa waxii dalkani hore ugu haligmay,umana baahna mar labaad inaynu raadkii dib u raacno.




Madaxweyne,waa maxay sababta aad ku diidayso qabsoomida Dooda Qaran.Miyaanay la mid ahayn taad qabatay 2006dii.Madaxweyne lagaa yeeli maayo sidaan doono ayaan ka yeelayaa arrimaha qaran.Hadaad cod ku fadhidid kursiga ogow inay 2da xisbi mucaarid-na cod ku fadhiyaan oo ay xisbiyo qaran yihiin,talada dalkana wax ku leeyihiin,toosin iyo tusaalayn-ba uu dastuurku xaq u siiyay,inay kaa hor joogsan karaan talaabooyinka ku lid-ka ah arrimaha qarank.




Madaxweyne dhegaha ilaahay iga maqal:




1.Waa inaad ogolaataa qabsoomida Dooda Qaran.




2.Waa inaad hogaan ka noqotaa.




3.Waa inaad agendaha isla qaadataan.




 




Sidaa ayaa dalka iyo dadka-ba u dan ah,waa sida degenaanshaha dalku ku jiro,waa sida danyarta aan dhibaato u horseedayn.Dastuur iyo shuruucda dalka ayaa ummada isu haya.Hadii lagu dur-duriyo shuruucda iyo dastuurka sideenii ayay-nu madaxa isla geli,baarqab-yadu hirdami,danyartuna ku baro kici doontaa.




Xuseen Xasan Badmaax




Hargeysa/jsl