Madaxweyne Siilaanyo wuxuu Caawa ku soo hoyday Hargeysa ka dib laba cisho safar ah +Sawiro Gabiley ilaa Alleybaday...
Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo ayaa caawa ku soo hodayda Magaalada Hargeysa ee Caasimada dalka, ka dib socdaal dheer oo uu ku soo maray Deegaamada Gobolka Gabiley.
Axmed Siilaanyo ayaa intii uu ku guddo jiray safarkiisa gobolka gabiley maalintii labaad saaka xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo ay dawlada hoose ee gabiley ka fulisay gobolka gabiley kuwaas oo kala ah Buundada Dugsiga Sare ee Qalax, Garoonka kubada Baaskidka, Wadada isku xidha xaafadaha magaalada gabiley iyo suuqa weyn.
Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray mashruuc qalabayn iyo dardar gelin ah oo ay dawlada hoose gobolka ku soo kordhisay, kuwaas oo ahaa baabuur ay ku jiraan laba cagaf-cagaf iyo gaadhi dabdemis ah isla markaasina waxa uu dhagax dhigay Guri fooq laba dabaq noqon doona oo ay dawlada hoose ee gabiley ay ugu talo gashay in xafiisyada dawlada hoose ay ku hawlgalaan.
Dhinaca kale waxa uu Madaxweynuhu isla maanta booqasho ku tegay Degmada Aleybaday oo ka tirsan gobolka Gabiley.
Halkaas waxa ku soo dhaweeyay Boqolaal qof oo deegaanka ah.
Munaasibad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay ayaa looga soo jeediyay cabashooyin badan oo la xidhiidha adeegyada aasaasiga ah.
Madaxweynaya ayaa halkaasi Khudbad uga jeediyay dadweynaha reer Aleybaday, waxaanu sheegay inuu dusha ridanayo dhamaan cabashooyinka Bulshada ka soo yeedhay.
Dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Codka-Degmada-Alaybaday-ee-Madaxweynaha-JSL.mp3"][/audio]
Reer Alleybaday ayaa Madaxweynaha u sameeyay qaddo sharaf.
Qado sharaftaasi ka dib Madaxweynuhu waxa uu u soo ambabaxay dhinaca Degmada Wajaale halkaas oo uu madaxweynuhu soo maray Tuulooyinka Geed balaadh iyo Waalidxoor oo madaxweynuhu uu kula kulmay soo dhawayn balaadhan.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa markii uu soo gaadhay Magaalada wajaale Dadweynaha ku dhaqan Magaaladaasi khudbad uga jeediyay goob fagaare ah.
Waxa uu uga waramay qorshihiisa siyaasaddeed ee dawladda iyo ajandaha uga yaala horumarinta dalka.
Halkan ka dhegeyso khudbadiisa:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Wajaale-iyo-madaxweyne-silaanyo-01.12.2013.mp3"][/audio]
Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu soo indho indheeyay Jidka isku xidha Kala-baydh iyo Wajaale, kaasoo dhismihiisu socdo.
Waxa uu balanqaaday in la dhamaystiri doono jidkaasi.
Halkan ka Daawo Sawiro dheeraad ah
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@Gobanimonews.com