Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya wakhti iyo meesha uu ku geeriyooday Gaashaanle Sare Cabdi Caydiid
Hargeysa (GNA)-Alle ha u naxariistee Gaashaanle sarre Cabdi Caydiid Axmed oo ka tirsanaan jiray Sirdoonka Qaranka Somaliland, isla markaana ka mid ahaa waftiga Madaxwayne Siilaanyo ee socdaalka shaqo ku jooga Magaaladda Gabiley ayaa u geeriyooday wadne-xanuun ku soo booday.
Sarkaalka ayaa weftiga kaga sii horeeyay Gabiley isagoo caafimaad qaba balse intii uu gabiley joogay lagu soo booday.
Saraakiisha sar sare ee Sirdoonka ayaa sheegay in markii xanuunku ku soo booday loo soo qaaday dhanka hargeysa, halkaasoo uu ku geeriyooday.
Balse warar kale oo ay heshay Gobanimonews ayaa sheegaya inuu ku geeriyooday Hudheel ku yaala Magaalada Gabiley oo uu xalay seexday, kaasoo saaka markii lays yidhi ka toosiya Maydkiisa loogu tegay qolkii uu ka degenaa.
Halka warar kalena ay sheegayaan inuu xiligaasi sakaaraad ahaa, isla markaana markii loo soo qaaday dhanka Hargeysa uu geeriday.
Saraal ka tirsan Ciidanka ayaa Gobanimonews u sheegay inuu Marxuumku xanuunk Dhiig kar ah lahaa, loona malaynayo inuu kaas u geeriooday.
Gaashaanle sarre Cabdi Caydiid Axmed ayaa sida ay sheegeen dadka aqoonta u lihi ka mid ahaa saraakiisha ugu hawl-karsan uguna firfircoonaa hay´adda sirdoonka qaranka oo uu mudo dheer ka tirsanaa.
Xubno ka mid ah Ciidanka ayaa sheegay inuu mar marxuumku haysan jiray Sirdoonka gobolka Maroodi-jeex.
Marxuumka ayaa Berri lagu aasi doonaa Magaalada Hargeysa oo uu degenaa, sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah Eheladiisa oo aanu la xidhiidhnay.
Dhinaca kale madaxda Hay’adda Sirdoonka ayaa Tacsi u diray Marxuumka qoyskiisa, qarabadiisa iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay.
Waa sarkaalkii ugu horeeyay ee safar noocan ah ku geeriyooda intii Madaxweyne Siilaanyo xilka hayay isla markaana safarada u bixi jiray.
Madaxtooyada Somaliland ayaan ilaa hada wax war ah ka soo saarin Geerida marxuumka, isla markaana tacsi u dirin shacbiga uu ka baxay iyo qoyskiisa toona.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com