Madaxweyne Siilaanyo oo ku Dhaxay Gabiley iyo Masuuliyiinta Xukuumadda oo Xafiisyadoodii baylihiyay
Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland ayaa booqasho ku jooga Magaalada Gabiley oo uu Caawa u hoyday.
Madaxweynaha ayaa Maanta halkaasi u tegay ka qayb-galka xaflad qalin jabin ah oo uu shahaadooyin ku guddoonsiiyay 103 Arday oo ka baxay jaamacadda Timo-cadde iyo furista mashaariic kale oo magaalada laga hirgeliyay.
intii uu madaxweynuhu ku sii jeeday gabiley waxa uu jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Gabiley kala kulmay dadweyne tiro badan oo soo dhaweynayay .
intii aanu gaadhin Gabiley waxa uu meel fagaare ah kala hadlay Dadweynaha Reer Arabsiyo oo uu ku sii hakaday.
Madaxweyne siilaanyo ayaa lug ku dhex maray jidka weyn ee gabiley isaga oo farxada iyo soo dhwaynta la qaadanaayey shacbiga soo dhaweeyay isaga iyo weftigiisa.
Axmed Siilaanyo ayaa ka qayb galay xaflada qalin jabinta Ardayda, waxaanu shahaadooyin gudoonsiiyey ardaydii kaalmaha hore ka galay jaamacada iyo Faculty yadii ay ka tirsanaayeen Ardayda ka qalinjebisay maanta jaamacadan Timcade oo dhamayd 103 Arday.
Halkan ka dhegeyso Khubadda Jaamacadda uu ka jeediyay:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/CODKA-MADAXWEYNAHA-EE-JAAMACADA-TIMACADE.mp3"][/audio]
Dhinaca kale, waxa uu xadhiga ka jaray Guriga martida ee Magaalada oo Dhismihiisu socday mudo sanad ka badan.
Gurigaasi ayaa ha mid casriya oo ay bilowday Maayirkii hore ee Magaalada Gabiley khadra Xaaji Gadhaydh.
Waxa uu ka kooban yahay afar Gurri oo mid ka mid ah madaxweyneyaasha loogu talo galay, kaasoo caawa madaxweynuhu ku hoyday.
Waxa la filayaa inuu maalinta Berri xadhiga ka jiro mashaariic kale oo ay ka mid tahay jidka isku xidha Kala baydh iyo Wajaale oo qayb ka mid ah la dhamaystiray.
Deegaamo kale oo ka mid ah Gobolka ayuu sidoo kale booqan doonaa sida ay Gobanimonews xogo hoose ku heshay.
Waa markii saddexaad ee uu Booqdo Gobolka oo qani ku ah wax soosaarka dabeeciga ah, khaasatan beeraha cunto soosaarka iyo khudaarka, xaga kalena dhaqaale ahaan somaliland muhiimad khaasa u leh.
Safarkiisa maanta waxa ku wehelinaya inta badan Golaha wasiirrada ee Xukuumadda iyo Masuuliyiin kale.
Waxa uu saameyn ku yeeshay hawl-qabadka Xafiisyada dawlladda oo ay inta badan ka maqanyihiin madaxdii hagaysay.
Agaasimeyaasha Guud iyo wasiirrada xukuumadda ayaa caadeystay inay safarada Madaxweynaha isku daba qoraan oo ay bayliyihiyaan shaqooyinka xafiisyada.
Hoos ka Fiiri sawiro badan
Gobanimonews
Gabiley Office
Email: editor@gobanimonews.com