Dhegeyso Aragtiyaha Diimeed ee ay kala daliilshanayaan iyo dareen Bulshada + Jahawareerka ka taagan Meseladdan oo ah dhacdo qayb ka ah dib u soo nooleynta Khilaafkii Firqooyinka.
“Anigu ma ihi nin xilka sidaa kaga tanaasulaya tacab badanbaana iga galay Guddida Wanaag farista”Dhegeyso
Dhegeyso“Sheikha wuxuu la mid yahay kuwii Xaddiiska lagu sheegay in la Nacdalay”
Hargeysa(GNA)-Sheikh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray oo ah Guddoomiyaha Guddida wanaag farista iyo Xumaan reebista oo ah Guddi si madaxbanaan dacwadaha diiniga ah uga fidiya Somaliland ayaa ku gacan saydhay go’aan ka soo baxay Guddida sare ee Kooxda oo sheegay inay xilkii ka qaadeen, waxaanu sheegay in tacab badani ka galay Dallada uu madaxda ka ahaa.
Sheikh Xiiray ayaa todobaadkan uun ka hadlay mawduuc muran badan dhaliyay oo ku salaysan Xuquqda Raga iyo Haweenka ee Magta marka laga bixinayo ama laga qaadanayo, waxaanu arrintaasi ka soo daliishaday Kutub Fiqi ah, waa sida uu sheegay.
Hase ahaatee maalin uun ka dib markii hadalkan doodda diimeed dhaliyay ka soo baxay ayey xubno ka mida guddida uu madaxda ka yahay ku dhawaaqeen inay xilkii ka qaadeen, iyadoo si weyn loo balbalaadhiyay Kelmadda ka soo yeedhay.
Sidoo kale Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta ayaa si adag uga soo horjeesatay aragtida Diinta ku salaysan ee Sheikh Xiiray ka soo baxday, waxaanay ku tilmaameen waxaan meelna diinta Islaamka ka soo gelin.
Talaabada Xilka lagaga qaaday Sheikh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray ayaa dibada soo dhigtay jiritaanka Khilaaf iyo kala qaybsanaan culimada hore uga dhex jiray, kaasoo ku salaysan dhinacyo kala gedisan, waxaanu ku andacooday shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Hargeysa inaan aragti diimeed oo ka hor imanaysa waxa uu sheegay cid soo hor dhigtay jirin, balse koox ay marka hore is-hayeen sawir kale u yeeleen arinta uu ka hadlay.
“anigu ma odhan Raga iyo Dumarku way simanyihiin ee Hal meselo ayaan ka hadlay oo aan ogaaday 21 sanadood ka hor, dabadeed qaar markii horeba igula coloobay dagaalka aan kaga soo horjeeddo Xag-jirnimada iyo qaadiyada Somaliland ayaa Meseladdii si kale u turmay”ayuu ku yidhi Shir jaraa’id.
“aniga Guddida aan madaxda u ahaa Tacab badanbaa iga galay, mana ihi Nin sidaa kaga tanaasulaya”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/raga-iyo-dumarku-way-siman-yahiin.mp3"][/audio]
Dadka muranka culimada la socda ayaa si weyn uga xumaaday xil ka qaadista guddoomiye, laakiinse waxay isweydiinayaan dariiqa uu Sheikhu meselada uu sheegay ku jiddeeyay.
“horta may ahayn inay isla soo boodaan xilka ayaanu ka qaadnaye waxay ahayd inay la dooddaan oo wuxuu daliilshanayo ay waydiiyaan, laakiinse waad ka yaabaysaa”sidaasi waxa yidhi Nin Suxufi ah oo arrintan doodda ka hadlay.
Mid kale oo ka mida Bulshada Rayid ah ayaa isna yidhi “Sheekaddani waa mid aad u xaasaasi ah, waxaanay madax la geli doontaa arrimo kale oo dednaa”ayuu u sheegay Gobanimonews.
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
Geesta kale, Shiekh Axmed Dhimbiil Guuleed oo ah Agaasimaha Waaxda Fadwada ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta oo ay weheliyaan xubno kale oo ka mida Culimada Wasaaradda, ayaa ku doodday in Naagta Magteedu tahay Ninka Badhkii , iyagoo soo daliilshanaya Axaadiis laga soo wariyay Nabi Maxaned NNKH . “Sheikhaasi wuxuu si cad u khilaafay Axaaddiistii Nebiga NNKH, wuxuu ka horyimi dhaqankii Asxaabta, waxaanu ku kefay diinta islaamka, markaa waxaan u soo jeedin lahayn inuu deg deg uga noqdo arrintaasi”.
Culimadda ayaa sidoo kale dalbaday in Shareecadda islaamka la horkeeno Waddaadkan oo ay sheegeen inuu nacdal ku mutaystay Khilaafka Diinta Islaamka.
Sidoo kale waxay ku cel-celiyeen in Gabadha Muslimka ah magteedu ay tahay Konton Halaad oo u dhiganta Magta Ninka Badhkeed.
Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/raga-iyo-dumarku-way-siman-yahiin.mp3"][/audio][audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/wasaaradda-diinta-iyo-awqaafta-22.mp3"][/audio]
Ka sekow labadan dhinac ee mawduucan ka hadlay , ma jirto cid kale oo si madaxbanaan dooddan u soo gashay, taasoo lagu tilmaami karo dhexdhexaadiyeyaasha araa’dan diimeed ee kala qaybsanaanta dhalisay.
Hase ahaatee Bulshada ayaa ku dhako faartay dhinaca saxda u dhow labada dhinac oo midba midka kale dhaliilayo beyaankiisa.
Laakiinse Khilaafka kale ee arrintani ka dhex abuurtay Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista ayaa noqonaysa dhacdadii ugu dambeysay iftiimisa inay dib u soo laabatay murankii dhinaca diinta ku salaysnaa ee firqooyinka Islaamiga ah, taasoo sanaddo dhexe si tartiib tariib ah looga suuliley Somaliland, balse saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay soo kordhaysay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com