Dhaqdhaqaaq la doonayo in lagu dhiso Maamulka Banaadir State oo Muqdisho ka dhex bilaamay iyo Jawaabta Maamulka.hoos dhegeyso
Muqdisho(GNA)-kulan Balaaran oo ay beesha Xawaadle ku soo dhaweyneysay Gudoomiyaha Maamulka Gobolkan Banaadir ayna ka soo qeybgaleen Siyasiyiin Xildhibaano oday dhaqameydyo haween iyo waxgard kale oo ku abtirsada Beesha Xawaadle ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho waxaana beeshu ku taageertay Gudoomiyaha Gobolka Banadir Sareeye Guuto Xasan Muungaab oo dhawaan Xilkaa Loogu Magacaabay Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaweynaha Somaliya .
Xildhibaan Ibraahin Xabeeb Nuur oo ka tirsanaa Xildhibaanadii hore ee golaha Barlamanka oo ku hadlayey Magaca Beesha xawaadle ayaa taageerey Magacaabida Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wuxuuna intaa ku darey in beesha xawaadle ay si rasmi ah ula shaqeyn doonto.
Xildhibaan Ibraahin Xabeeb Nuur ayaa yiri “Gudoomiye Niyad aad u furfuran iyo Daacad ay ku dheehan tahay wadaniyad ayaan kugu soo dhaweyneynaa waxaana ilaah kaaga baryeynaa Cadaalda iyo xaqa in ilaah ku waafajiyo si shacabka Somaliyeed uu u noqdo mid u siman xaquuqda iyo hogaanka Gobolka bandir “ ayuu yiri.
Xoghayaha Maamulka cusub ee Gobolka Baanadir ayaa ku soo dhaweeyey duqa Magaalda Muqdisho sareeye Guuto Mungaab, kaasoo sheegay in Beesha Xawaadle ay si aad ah ugu kalsoon tahay janaraal Muungab ayna si daacad iyo karti leh ula shaqeyn doonto .
Gudoomiyaha maamulka Gobolka ayaa ka mahadceliyey Soo dhaweynta Iyo marxabeynta Beeshu u sameysay isagoona ku tilmaamay in ay aheyd mid sharaf badan wuxuuna ka codsay in taageerada beeshu muujisay ay ahaato mid marwalbo iyo meel walbo deris kula ahaato maamulkiisa.
Gudoomiya ayaa eedeyn dusha uga tuurey siyaasiyiinta ku howlan dhisida Maamulka Baanadir State kuwaas oo uu sheegay in ay hoteelada ka sheegaan in ay dhisayaan Maamul isaga oo ku tilmamay fataaniyiin alshabaab soo dirsatay.
Gen. Mungaab Ciidamada Amaanka ku amray in ay soo xiraan kuwa hawshaa ku hawlan”Booliska iyo nabadsugida Amar ayey u qabaan soo qabashadooda waana in la xiraa kuwaas oo kale Caada qaatayasha ay raabiyadu kula dhacday madaxweynenimo jaceylka waa la dagaalamaynaa”ayuu yiri.
Halkan ka Dhegeyso: [audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Muungaab-Banadir-State-31-03-2014.mp3"][/audio]
Saacado ka hor ayaa maamulka Gobolka banaadir kala eryay Kooxo shir ku lahaa Mid ka mid ah hoteelada Magaalda Muqdisho kuwaas oo lagu eedeeyey in ay wadeen shir ay ku dhisayeen maamulka Banadir State.
Waayo aragnimo laga dhaxlay Bay iyo Kismaayo
Arintaan ayaa ka danbeysay ka dib markii siyaasiyiin badan soo jeediyeen in Gobolka banadiir yahay caasimadii dalka qolo gooni ahna aysan sheegan Karin sidaa darteedna la diiday in maamul gooni u ah laga yagleelo,taasoonay wali siyaasiyiinta hawsha faraha kula jiraa dheg u dhigin.
Dhaqdhaqaaqan cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir ka sasay ayaa imanaya xili ay Magaalada Baydhaba ka taagantahay xiisad aad adag oo ka dhalatay Maamullo mid waliba gaar u sheeganayo Madaxweynaha Saddex Gobol oo Bay laga xukumo.
Xiisadaasi ayaa keliftay in madaxda dawladda Soomaaliya ugu sareysaa Baydhabo u tagaan si ay xiisaddaasi u dejiyaan, inkasta oo ay waajaheen xaalad cakiran oo wax ka qabashadeedu culustahay.
Arrimaha Maamul u sameynta Gobollada ayaa yooyootan xooggan iyo khilaaf siyaasaddeed mar kasta abuurta, laakiinse Gobolka banaadir waa saldhiga dawladda Federaalka ah oo way adagtahay in Madaxweyne kale ka taliyo.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com