Kismaayo(GNA) -Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa maanta ku toogatay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose Suldaan Caamir Cabdi Dhuux oo ahaa suldaankii beesha Shiikhaal ee gobolada Jubooyinka.
Dilka suldaanka ayaa ka dhacay xaafada shaqaalaha ee magaalada Kismaayo markii isagoo wadada ku lugeynaya ay rasaas ku fureen kooxo bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday.
Waxaa dilka ka dib goobta ka baxsaday kooxaha hubeysan ee khaarajiyey suldaanka, iyadoo ciidamada amaanka maamulka Jubba ay goobtaas soo gaadheen waxyar ka dib iyagoo sameeyey howlgalo ay ku baadi goobayaan kooxihii falkaas geystay, inkastoo illaa hadda aan lagu guuleysan in la soo qabto.
Allaha u naxariistee Suldaan Caamir Cabdi Dhuux ayaa ka mid ahaa salaadiinta beelaha Jubooyinka ee ka qeyb galay shirweynihii lagu dhisay maamulka Jubbaland ee lagu qabtay magaalada Kismaayo.
Horaantii bishii hore ayey aheyd markii isla magaalada Kismaayo sidan oo kale lagu toogtay Ugaaskii beesha Cawrmale Ugaas Max’ed Xuseen Hafoow oo kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen.