Labadan neef ee la sheegay in la isku guuriyay, waxa lagu kala magacaaba, Ganga iyo Prakash, waxaana loo soo kireeyay kooxo ka ciyaara arooskooda, halkaas oo marti sharafeedii kala duwanayd ee ka soo qayb gashayna loogu sameeyay
Delhi :Dalka Labaad ee Dunida ugu dadka badan oo ah waddanka Hindiya, waxa lagu yaqaana arrimo badan oo layaab leh, dadka intooda badana ka yaabiya, sida jarirada Daily Mail ee Dalka Britain ka soo baxdaa ku warantay, Aroos balaadhan oo shan boqol oo qof lagu casuumay ayaa laba neef oo lo ah loogu qabtay dalkaas. Labadan neef ee la sheegay in la isku guuriyay, waxa lagu kala magacaaba, Ganga iyo Prakash, waxaana loo soo kireeyay kooxo ka ciyaara arooskooda, halkaas oo marti sharafeedii kala duwanayd ee ka soo qayb gashayna loogu sameeyay qurbaan la mid ah ka aroosyada aadamiga oo kale.
Sida jariirada Daily Mail ku warantay arooskaas waxa uu noqday mid meelo badan oo dalka Hindiya ah aad looga xusay, oo ka sakow shanta boqol ee qof ee ka soo qayb galay, haddana in ka badan boqolaal kun oo qof kala socdeen telefishanada oo jidadka waaweyn lagu arkayay dad ku ciyaaraya oo jiibta iyo jaabta isla helay, waayo? Waxa dalka Hindiya u badan dadka caabuda Lo’da ee Hinduuga loo yaqaano.
Soo ururintii iyo Turjumidii: Faysal Maxamed Xasan