Eheladda Maxabiista isku dayay inay baxsadaan iyo xubno ciidanka Asluubta ka tirsan oo la xidh-xidhay..
Hargeysa(GNA)-Dad aan wali tirro koob sugnan laga haynin ayaa loo xidh-xidhay dhacdadii maanta Xabsiga dhexe ee Hargeysa ka dhacday, taasoo ay shan Maxbuus oo Argagixiso iyo Kiisas Budhcad-baddeednimo u xidhnaa oo markii ay gadooddeen isku dayey inay jeelka ka baxsadeen.
Maxaabiistan, ayaa dibada uga baxay Jeelka, ka dib markii ay Rasaas ku fureen Ilaalada Xabsiga, kuwaasoo ay dhimasho iyo dhaawacyaba soo gaadhsiiyeen, isla markaana isla markiiba Ciidamada amniga iyo dad shacbi ah oo u gurmaday gacanta ku soo dhigeen.
Saraakiil Ciidan, qaar ka mid ah Eheladda Maxaabiista isku dayga baxsasho ku fashilmay iyo askar ka mid ah Ilaaladda ayaa la sheegay inay Bilaysku xidheen, kuwaasoo loo xidh-xidhay tuhunsanno ku saabsan sababta Maxaabiistan jeelka ku xidhnaa hubka u gacan geliyay.
Sidaa waxa Gobanimo u xaqiijiyay saraakiil ciidanka Bilayska iyo kuwa dambi baadhista ka tirsan.
Hay’addaha Dambi baadhista ayaa sidoo kale la sheegay inay bilaabeen baadhitaano ku saabsan sida uu falkani u dhacay iyo waxa kalifay raga xidhan.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Asluubta Somaliland oo Tafaasiil ka bixinaya dhacdadan Xabsiga dhexe ee Hargeysa ka dhacday oo noqonaysa tii ugu khasaaraha badnayd saddex isku day oo noocan oo ka dhacay tobankii sanadood ee ugu dambeeyay.
Hase ahaatee Wasiirka Cadaalada ayaa goor sii horaysay sheegay in inta ilaa iyo hadda la hubo hal baastoolad iyo rasaasteedii ay u suurtagashay maxaabiistaasi in gudaha xabsiga loogu geeyo.
Wasiirka caddaalada Somaliland, Xuseen Axmed Caydiid, waxa uu intaa ku daray in haatan baadhitaan xoog lihi uu socdo oo ku saabsan sida baastooladaasi askarta lagu dilay iyo rasaasteedu u galeen gudaha xabsiga iyo cidda loo adeegsaday.
"Waxay isugu jiraan maxaabiis budhcad badeed ku xukuman iyo kuwo falal rgagixiso hore loogu helay."ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid oo BBC-da la hadlay.
Sida laga warqabo xabsiga dhexe ee Hargeysa oo dhawr sano ka hor Qaramada Midoobay ay dayac tirtay waxa maxaabiista ku jirta ka mid ah ilaa 29 maxbuus oo Soomaali ah oo denbiyo budhcad badeed maxkamadaha dalka Seychelles ugu xukumeen, hase-yeeshee loo soo wareejiyay xabsiga dhexe ee Hargeysa.
Sidoo kale waxa ku xidhan Maxaabiis badan oo Argagixiso lagu helay, kuwaasoo ay ka mid yihiin Koox tobaneeyo sanno ka hor Magaalada Sheikh ku dilay Macalimiin ka shaqaynayay Dugsiga EU-du taageerto ee SOS iyo kuwo sanadihii la soo dhaafay weerarro Argagixiso ka fuliyay Magaalada Laascaanood.
Somaliland ayaa si weyn looga dareemay dhacdadan Maanta ilaa caawa, iyadoo bulshada reer Hargeysa si weyn u hadal hayaan.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com