Qaylo-dhaan Caafimaad Oo Si Toos Ah Ugu Socota Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed (Siilaanyo).
FIIRO GAAR AH- KALA XIDHIIDH ARDAYADAN DHAAWACA CULISI HALEELAY TELEFOONKA LAGA HELAYO OO AH +252 63 4432042
Hargeisa-(GNA)- Dhhallinyaro muwaadiniin ah oo u dhashay Somaliland, ayaa qoraal xanbaarsan dhambaal qaylo-dhaan ah oo ibna-aadamnimo oo ku qotoma in si wadanimo oo naxariis leh aad ugu hawl-gasho badaadada caafimaadka nololeed ee Hibaaq Xasan Karuun Cali, oo ah muwaadinad ardayad ah oo dhigan jirtay dusiga hoose dhexe ee Axmed Guray, oo ku yaala caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, da’deedu tahay 17 jir, oo dhaawac aad –xun oo sahayday mustaqbalkii nolosheeda oo ka dhigay sariir yaal aan waxba qabsan karini uu ka soo gaadhay rasaas ay rideen ciidamadda booliska JSL, u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), qoraalkaas oo loogu tallo-galay warbaahinta oo nuqul ka mid ah goor dhawayd Nala soo gaadhsiiyay ayaa isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidatan.
Mudane Madaxweyne,Hibaaq Xasan Karuun Cali, waa uwaadinad ardayad ah oo dhigan jirtay dusiga hoose dhexe ee Axmed Guray, oo ku yaala caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, da’deedu tahay 17 jir, oo dhaawac aad –xun oo sahayday mustaqbalkii nolosheeda oo ka dhigay sariir yaal aan waxba qabsan karini uu ka soo gaadhay rasaastii ay ku ridayeen ciidamadda ammaanka Somaliland taageerayaashii Urrur siyaasadeed-kii XAQSOOR, ee ka biyo diiday natijadii ka soo baxday doorashadii muranka weyn dhalisay ee Gollayaasha deegaanka Somaliland ee dalka ka dhacday dabayaaqadii sannadkii hore ee 26/11/2012-kii, ayaa weli la il daran oo u jiifta dhaawacyadii soo gaadhay, sidaa daraadeed,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo ay warqadan furani si toos ah ugu socoto, waxa aanu si si xushmad leh oo naxariis iyo wadaninimo ku dheehan tahay uga codsanaynaa maadaama uu yahay Masuulkii ugu sareeyay qaranka, in uu si ibana-aadam-nimo ku jirto oo naxariis leh u eego sidii loogu hawl-geli lahaa badbaadinta caafimaadka iyo mustaqbalka nololeed ee ardayadan dhibanaha ah.
Hadaba, anaga oo ah dhallinyaro muwaadiniin ah oo ka damqaday xaaladada caafimaad daro ee cakiran ee ay ku jirto ardayadan dhibanaha ahi, waxaanu Mudane Madaxweyne si maamuus leh kaaga dalbanaynaa in aad si geesinimo leh oo naxariis leh ugu gurmato sama-ta-bixinya caafimaadka iyo mustaqbalka ardayadan,yar oo mar ardayad, ahayd, marna da’ yar ahayd,si dhakhso ahna aad Mudane Madaxweynen aad ugu hawl-gasho sidii loogu qaadi lahaa dhakhtar dibadeed, adiga oo eegaya xaqa iyo xuquuqdeeda muwaadinimo ee ay ku leedahay dalka, iyo weliba masuuliyadda Mudane Madaxweyne kaa saaran iayada iyo inta la midka ahba.
Mudane, Madaxweyne, iayada oo aanay ahayn markii u horaysay ee dhawaaqa fariintan ibna-aadamnimo dhegahaaga soo gaadho, sidaa awgeed, waxaanu halkan kuugu soo gudbinaynaa dhambaal qaylo-dhaan ah oo ku qotoma in aad ku dhiiirato gacan ka geysashada badbaadinta caafimaad, nololeed iyo mustaqbaleed ee ardayada noo ay rasaastii ay ridayeen ciidamadda boolisku ka haleeshay macdanta, dhakhaatiirtuna ay cadeeyeen sida cad baadhitaanadii caafimaad ee ay ku sameeyeen ardayadan dhaawaca culus ah in aan dalka gudihiisa wax-ba lagaga qaban Karin ee ay u baahan tahay in loo diro dhakhtar dibadeed, qoys-ka ay ardayadan dhaawaca ahin ka soo jeedaana aanu dhaqaale ahaan awoodi Karin dhakhtar dibadeed.
FIIRO GAAR AH- KALA XIDHIIDH ARDAYADAN DHAAWACA CULISI HALEELAY TELEFOONKA LAGA HELAYO OO AH +252 63 4432042
Xasan Cali Haybe
Cabdiqan i Ciise
Barkhad Jaamac Dagaal
Xamse Muuse Ismaaciil
Cabdirisaaq Shoolad
Hinda Raabi