Wednesday, December 25, 2013

Waddani: Xukuumaddaa ka Masuula dhibaatada ka taagan Burco iyoBerbera” dhegeyso


Qaasim Sheikh: Ciidanka RRU-du waxay u dhaqmayaan sidii Ciidankii Dhabar jebinta la odhan jiray ee Siyaad Barre”Dhegeyso
G. Cirro“Xukuumadda waxaan u soo jeedinayaa in wixii cabasha keenay wax laga qabto”dhegeyso

Hargeysa(GNA)-Xisbiga waddani ayaa sheegay in Dhibaatada Burco ka dhacday iyo mushkilladaha kale ee dalka ka oogan xukuumaddu masuul ka tahay.
Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga Waddani Qaasim Sheikh Yuusuf ayaa ciidanka RRU-da ku eedeeyay inay laayeen askar kale oo bilays ah “Ciidanka RRU-du waa dhabar jebintii siyaad barre oo kale, waxay laayeen askar kale oo dirays sita, waa arrin aad u fool xun  waanan ka tacsiyadaynaa umadda”ayuu yidhi.
Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/codka-shirkii-jaraaid-ee-xisbiga-waddani.mp3"][/audio]
Dhinaca kale, Mustafe qodax oo ka mid ah Masuuliyiinta xisbiga waddani ee Kulmiye dhawaanta ka baxay, ayaa sheegay inay xukuumaddu ku kacday waxyaabo badan oo ay xukuumadihii hore ka xishoodeen “Xukuumadihii hore waxay ka xishoodeen ayay xukuumadda maanta talada haysaa ku kacday, waxay iibisay luuq-luuqyadii danta guud ahayd”.
Mr Qodax, ayaa intaasi ku daray “mushkiladda ka dhacday Burco annagu xukuumadda ayaanu masuuliyadeedda saaraynaa, iyadoo ka masuul ah, waayo iyadaa xil ka saaranyahay amaanka iyo ilaalinta nabad gelyada dalka”.
“Reer Burco waxaan leeyahay yaan qabiil qabiil laydiin kala saarin”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Halkan ka dhegeyso isagoo dhamaystiran:-[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Codka-m.mp3"][/audio]




Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Wadddani, ahna Gudd. Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, ayaa xukuumadda u soo jeediyay inay wax ka qabato cabashada Reer Burco ee mudaharaadka dhalisay.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Codka-gudoomiyaha-ee-mudaharaadka-burco.mp3"][/audio]
Waa eeddii ugu cuslayd ee xukuumadda looga soo jeediyo shaqaaqada khasaaruhu ka dhashay ee Burco ka taagan maalintii labaad.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com