Waagii hore ee aan aqoonta dadku korin waxa maxkamad u ahaa rag allaah garasho ugu deeqay.Marka xaajo la furfuri waayo waxa loo gayn jiray ragga noocaas ah oo garyaqaano ahaa.Waxa ka mid ahaa nin caan ku ahaa carradan aynu ku noolahay,lana odhan jiray Ina-Sanwayne(AHN).Marxuum-kaasi waxa uu awoow hooyo u ahaa Madaxweyne Axmed-siiraanyo.
Markaa waqtiyadaa uu noolaa marxuumku ayaa gar loola tagay,gartaasina waxay ahayd mid culus oo dadku garan waayeen si ay u dhigaan.Markii ay gaadheen Ina-sanweyne ayay qisadii u sheegeen.Waxaanay u sheegeen arrin ay xal u waayeen inay ula socdaan.Waxay ku yidhaaheen: ninkaa B.ayaa soddoh-dii dhirbaaxo wejiga kaga jaray,waxaanu ku dooday inaanu qaldanayn,soddoh-duna ninkan inanta ha la-iiga furo ayay taagantahay,annaguna xal u waynay.Sidaa ayaanu kuugu soconaa.Wax yar kadib oo uu aamusnaa Ina-sanweyne ayaa waxa uu gartii ku naqay oo uu yidhi (Ninku dhirbaaxada kuma qaldanayn,sodoh-da ayaa qaldanayd,waayo iyada maxaa keenay halka gacanta ninka inanteeda qabaa ka soo gaadhay).Sidaas ayaa lagu wada qancay.Gartaa go’aankeediina waxa uu reebay ma hadho.Ilaa maantana waxay dadka badidiisa hal-hays ayay u noqotay.
Hadaba Madaxweyne Axmed-siiraanyo halkaa ayuu ka soo jeedaa dalkana isagaa hogaaminaya gartii loola yimi ee ay 2da xisbi mucaarid ula tegeen,kuna yidhaaheen Waxbaa innaga qaldane xalkeeda aan ka wada hadalo.Dooda qaran maaha qori dab ah,mana aha dumin xukuumada wax lagu yeelayo,waxa lays waydiinayaa sidaynu u suurta gelinaa diiwaan-gelinta oo aanay inooga dhicisoobin sidii kuwii hore,sidaynu doorashooyinkii u qabsanaa,maxaa lugta haya aqoonsigeena,22sanno maxaa inoo qabsoomay maxaa se innaga dhiman.
Madaxweyn Axmed-siiraanyo xalkii uu gaadhi lahaa sul-daaro ayaa gaadhay.Talow xagay ka soo gaadhay.Soddoh-da ayaa go’aamada ka qayb ah,dawladana kama tirsana,dhaqankeenuna way ku adagtahay in soddoh lala hadlo ama inan wax la yidhaaho.Horta Madaxweyne Axmed-siiraanyo tii uu awoow-gii xalka u haley oo kale ayaa la kulantay waqtigan welina xalkii wuu seeggan-yahay.Waxa la yaab leh madaxweyne ku-xigeenka dalka maxaa ka reebay go’aamada madaxtooyada ka soo baxa,gaar ahaan waqtigan dooda qaran laysku hayo,golaha wakiilada ee fara gelinta lagu hayo iyo arrimaha qaran ee xasaasiga ah.
Waxa aan ku soo afjarayaa soddoh-da maxaa keenay golaha oday-geedu garsoore ka yahay.
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL