Thursday, December 5, 2013

SONYO oo tacsi u diraysa xubin ka mid ah oo Geeriyootay


Guddoomiyaha Dalladda Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani, Guddoomiye ku xigeenka SONYO Md. Mustafe Maxamed Daahir, Agaasimaha SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed, dhamaan Xubnaha Golaha Sare ee SONYO, Dhammaan Shaqaalaha Fulinta Xafiiska Dalladda SONYO iyo Guud ahaan dhallinyarada Somaliland waxa ay Tacsi u dirayaan Eeheladii iyo Qaraabadii iyo shacabka Somalilandba, geeridii ku timid Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Muraase oo Xalay ku geeriyooday Degmada Gabiley.




 Marxuum Muraase waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanadii Golaha sare ee SONYO ee shanaad, waxaanu sidoo kale Bare Sare ka ahaa Jaamacadda Timacade ee Gobolka Gabiley. Dhammaan SONYO iyo




masuuliyiinteedu waxa ay Marxuumka ILAAHAY uga baryayaan in uu jannadii ka waraabiyo inagana samir iyo iimaan inaga siiyo. Marxuumku waxa uu door weyn oo shariif ah ku lahaa dhismihii Dalladda Heer Qaran ee Dhallinyarada Somaliland ee SONYO, waxaanan Ilaahay SWT uga baryaynaa in uu Jannadiisa Fardawsa ka waraabiyo ehelkii iyo asaxaabtii uu kabaxayna Samir iyo Iimaan Saadiq Ah ka siiyo.




Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.