Saturday, December 21, 2013

Somaliland:Xukuumadda iyo Xisbigeeda oo gaar uga faalooday Heshiiskii Shirka Dood Qaran


Mucaaridka oo aad moodo inay si jiq ku siiya Xisbiga Kulmiye ku aqbalsiiyeen Shirka Doodda qaran. Warbixin




Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay inaanay Xisbiyadda Mucaaridka ah ku heshiinin qabashada Shirka Doodda qaran ee Akaadamiyadda Nabadda lagu wareejiyay.




Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay Saddexda Xisbi qaran ku heshiiyeen in laga wada hadlo ajandaha shirkaasi yeelanayo, kuwaasoo uu ku koobay saddex qodob oo qudha oo kala ah Arrimaha Doorashada, Ictiraaf raadinta iyo in shirka cid dhexdhexaad ah loo dhiibo.




Hadalkan ayuu sheegay maalin ka dib markii saddexda xisbi qaran sheegeen inay ku heshiiyeen qabashada shirka doodda qaran.




Waxaanu yidhi “Aynu wada hadalno oo cid dhexdhexaad ah aynu shirka u dhiibano, waanu ku heshiinay, qodobka labaad waxa weeye Doorashada sidee loo qaban karaa oo qolo waliba qumanaheeda wadato, laakiinse aanu isku raacnay in qolo waliba gaar uga soo fikirto, dabadeed aanu ka wada hadalno, qodobka saddexaadna waa ta arrimaha dibadda oo aanu isticmaalnay ereyga ictiraaf raadinta, taasoo aanu ka wada hadalnay in wax layska waydiiyo sida loo gelayo.




Laakiin ma qabno in la qabto wada tashi la mid ah kii shirkii Burco oo kale oo shaki gelinaya wixii 22 sanadadood la soo waday, mana qabno walaaca xisbiyaddu qabaan”ayuu yidhi.




Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Xukuumadda iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye wax talo ah iyo faro gelina ku samaynayn arrimaha somaliya, meelna ka taaganyihiin.




“Annaga somaliya waa isugu kaaya mid oo faro gelin, wax talo ahna ku darsan mayno.




Xisbiyaddu siyaasadda arrimaha dibada way ku kala duwanaan karaan, Xisbiga kulmiyena barmaamujbuu ka leeyahay oo bulshada u soo bandhigay, taasaanan inaanu fulino nalooga baahanyahay”ayuu yidhi.




Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye, ayaa sidoo kale naqdiyay hadal shalay Garyaqaanka guud ee Qaranku kaga fal celiyay heshiiska khamiistii dhex maray Xisbiyadda qaranka.




“Garyaqaanka Guud qodobada uu arrimaha shirka ka sheegay qaarbaanan garanayn meesha ay sharciga kaga qoranyihiin.




Anigu ma garanayo meesha ay sharciga kaga taalo Xisbul xaakimku ma meteli karo xukuumadda, annagu xisbul xaakimkii ayaanu nahay Xukuumaddana isku aragti ayaanu ka nahay arrimaha siyaasadda, markaa anigoo ixtiraamaya garyaqaanka waxaan qabaa inaanay arrinta uu ka hadlay meesha qaban”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Dhinaca kale, hadalka Muuse Biixi ayaa imanaya xili hadal hayn soo baxaysaa sheegayso inay xukuumaddu ka biyo diidsantahay go’aanka saddex Xisbi qaran ka gaadheen arrimaha  shirka.




Ilo-wareedyo ka soo baxaya dhinaca Xukuumadda oo Gobanimonews heshay ayaa sheegaya inay xukuumaddu ka fiirsanayso mawqifkeeda ku aadan shirkan.




Laakiinse Afhayeenka Madaxtooyadda oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay Xukuumaddu soo dhaweynayso Shirka Xisbiyaddu ku heshiiyeen, soona dhaweynayso.




Waxa uu Wargeyska Saxan-saxo oo ka soo baxa Magaalada Hargeysa u sheegay shalay inay Xukuumaddu ka qayb-gelayso shirka Doodda qaran.




Shirka Doodda qaran ayaa waxa Hindisay dabadeed asxaabta mucaaridka ah ku wareejiyay golaha siyaasiyiinta la baxay Madasha wada-tashiga, kuwaasoo bilowgii soo bandhigay 16 qodob oo ay sheegeen inay u baahanyihiin in laga dooddo.




16 Qodob waxa ka mid ah kuwo badan oo siyaasadda xukuumadda lagu durayo, inkasta oo sida ay Guddida xisbiyaddu u saareen saddex qodob ku soo uruuriyeen.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com