Hargeysa (GNA)-Guddoomiyaha Ururka Waddaniga Maxamuud Cali ismaaciil (Shiine), ayaa Wasiirka macdanta iyo Tamarta ku eedeeyay inuu ku tuntay Shirciga waddanka u degsan.
Shinne Af-garad ayaa sheegay in Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale si baalmarsan sharciga iyo dastuurka waddanka u bixiyay qandaraasyo la xidhiidha Macdanta.
Sidaasina waxa uu ku sheegay qoraal uu soo saaray oo nuqul ka mid ah Gobanimonews heshay, kaasoo u dhignaa sidan:-
“Umadkasta oo ku nool dunida guudkeeda waxay ku dhaqantaa sharci iyo dastuur ay samaysteen , sharciguna waa xabagta isku haya umadda , sidaas darteed waxa Somaliland caado ka noqotay in lagu tunto sharciga kaasi oo ay iska baal maraan qaar ka tirsan wasiirada xukuumadda , sida Wasiirka macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaale oo qandaraasyada ku bixiya nidaam baalmarsan sharciga , hadaba waxaanu wasiirka u sheegaynaa in uu ixtiraamo sharciga . Qodobada sharci ee uu wasiirku ku tuntay waxa ka mid ah Qodobka 11aad ee ka hadlaaya dhaqaalaha dalka una dhigan sidan : Si loo xaqiiyo kobcinta wax-soor-saarka , kor- u qaadida heerka nolosha , abuurida goobo shaqo , iyo guud ahaanba horumarinta dhaqaalah a dalka. Dawladu waxay dejinaysaa siyaasada guud ee dhaqaalaha oo ku salaysan , mabaa dii-da suuqa xorta ah iyo is garabsiga hantida gaar ahaaneed, hantida wadareed , hantida qaranka iyo maal-gelinta shisheeyaha . Qodobka 2aad iyada oo la dhawraayo in anu habka dhaqaale noqonin mid horseeda in barawaaqadu ku koobanto ama ku ururto koox ama dad tiro yar, si aanay u dhallan dabaqado dhaqaale oo ka kooban kuwa wax haysta iyo kuwa aan wax haysan , si aanay u ballaadhan farqiga dhaqaale ee u dhexeeya reer magaalka iyo reer miyiga , waxa dawladda jamhuuriyada Somaliland , xaqiijinaysaa in adeegyada bulsho iyo fursadaha dhaqaale si cadaalad ah iyo sinaan ah loo qaybiyo.
Guddoomiyaha uruka waddaniga ah ee AFGARAD