Muddadii loo cayimay oo laba cisho oo qudha ka hadhay
Hargeysa(GNA)-Shirweynihii Xisbul xaakimka kulmiye oo in muddo ahba laysku marila’aa qabashadiisa isla markaasna laysku maandhaafay guddigii qabanqaabada khilaaf xoog lihina ka dhashay ayaa ku beegan laba maalmood uu ka dib.
Shirweynahan oo ay isku hayaan kooxo iska soo horjeeda ayaa laf dhuungashay ku noqday madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo maare u waayey xalinta iyo isu soo dhaweynta kooxahaas hungurigu kaga jiro qabashada jagada gudoomiyenimo ee uu awoodi waayey sii haynteeda madaxweyne siilaanyo.
Waxa lays weydiin karaa haddii la qaban waayo laba cisho ka dib shirweynahan maxaa ka dhalan kara iyada oo bulshaduna ay maanka ku hayso sidii uu xisbul xaakimkii hore ee UDUB uu saaxadda uga baxay ka dib markii uu qabsan kariwaayey shirweynihiisii.
Shirweynahan xisbul xaakimka kulmiye oo in muddo ahba dib u dhacayey ayaan la ogayn inuu qabsoomi doono maalinta bishu tahay 25 oo laba cisho oo kaliyi ka hadhay.
Si kastaba ha ahaatee xukuumadda madaxweyne axmed madamed siilaanyo iyo xisbigeeda kulmiye ayaa laga filayaa inay soo saaraan war murtiyeed ay xal ugu raadinayaan wakhtiga dhacaya ee qabashada shirweynihii xisbigaas.
Dhinaca kale, waxa gababaabsiga wakhtiga isgurayaa ku soo beegmayaa xili labadii Maalmood ee ugu dambeeyay Guddoomiyaha Xisbigaasi oo Shaashadaha warbaahinta ka muuqday aanu soo hadal qaadin waxa iska bedelay mudadii shirka loo qabtay.
Hadii uu dib u dhaco waa markii labaad ee uu baaqdo shirka xisbul xaakimku, taasoo u muuqanaysa faashil siyaasaddeed oo saameynaya Xukuumadda iyo Xisbigaba.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com