Dadweynaha oo Isticmaalka Dhuxusha uga wareegay, Shooladaha Gaasta, markii Jawaanku noqday 100,000 Shls"Warbixin A.a. cigge $ SSC Kalshaale
Hargeysa(GNA)- Dhawrkii bilood ee u dambeeyey waxa kor u kac ku yimid qiimaha dhuxusha lagu iibiyo magaalada Hargeysa, taas oo saamayn ku yeelatay qoyasaska danyarta ah ee la daalaadhacaya sicir bararka maceeshada ee haysatay sanadihii u dambeeyey.
Qiimaha lagu iibiyo Kiishka dhuxusha ayaa waxa uu gaadhay 100,000SL/shilling ah hadii la heloba, oo u dhigma $15 dollar, halka uu markii hore ka ahaa 50,000 ilaa 60,000SL/shilling ah, xiliyadda qaarna uu ka hooseeyay.
Taas ayaa culays balaadhan ku yeelatay qoysaska danyarta ah ee uu hooseeyo dakhliga soo gala (household income) maalintii oo markooda horeba aanu ku filayn daboolida nolol maalmeedkooda.
Isbadalkan balaadhan ee ku yimd qiimaha Dhuxushu waxa uu ku keenay qoysaska magaalada Hargeysa qaarkood inay uga digo rogtaan isticmaalka qalabka kale ee wax lagu karsado khaastan Shoolada leh Dubaalada ee Gaasta lagu isticmaalo, taas oo mudooyinkii u dambeeyey dalabkooda iyo isticmaalkoodu xoog ku socday iyadoo qoysaska danyarta ahi ay tilmaameen inay uga jaban tahay kharash ahaan Kiishka Dhuxusha ah ee suuqyada ka jooga $15-ka dollar ee qoyska 6 qof ka koobani ay isticmaali karaan mudo 15 maalmood ah.
Qiimaha Shoolada wax lagu karsado ayay dukaamada xaafadu ku iibinayaan qiime dhan $12 dollar taas oo gaasta qoysku ku isticmaali karo bishii ay noqonayso $10 dollar oo kharashka gaasta ah kuwaas oo u arka inay uga jaban tahay qiimaha dhuxusha ee samada ku laalmay.
Laakiinse Shooladaha Laftooda ayaa cilad xaga nadaafada,Nadaafadda iyo bii’ada guriga ah ku keenay qoysaska qaar.
“Shooladii aanu soo iibsanaya waxay dhibaato ku keentay qiiq fara badan oo Indhaha dadka waxyeelaya, markaa waxaa khasab nagu noqotay inaanu Dhuxushii ku noqono”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegtay Faadumo oo Hooyo Xaasley ah.
kor u kacan baaxada leh ee qiimaha dhuxusha ayaa loo aanaynayaa Wasaarada Deegaanka oo culays saartay dadkii ka ganacsanayey soo shidida dhuxusha iyo meelihii laga soo shidi jiray oo fogaaday kadib markii xaaluf ba’ani dhulka ku yimid, iyadoo aanay jirin wax lagu bedelo geedka la shido ee dhuxusha loo bedelo.
Sidoo kale qiimaha gaasta ayaa caadi ahaan mudooyinkii u dambeeyey halka litire uu suuqyada ka marayey 4500 ilaa 5000SL/shilling ah balse hadda uu ku yimid sare u kac la socday dalabka dadweynaha ee Gaasta oo kor u kacay waxaana wakhti xaadirkan halka Liter ee Gaasta ah lagu iibinayaa 6500SL/shilling ah iyadoo marka horeba isticmaalka gaasta oo caajis ahaa aanay ganacsatadu ku dhiiran jirin inay Gaas badan keenaan maadaama oo aanay ka socon jirin.
Waxa walwal badan ku haya qoysaska reer Somaliland ee duruufaha dhaqaale ku gadaaman yihiin in sida qiimaha dhuxushuba uu kor ugu kacay ama ay u yaraatay keenisteedu ay sidoo kale sare ugu kacdo Gaastu ama dalkaba laga waayo.
Wasaarada Deegaanka oo maalmihii u dambeeyey ku mashquulsanayd Siminaaro iyo tababaro kor loogu qaadayo deegaanka iyo ilaalinta dhirta ayaa hore bulshada ugu wacyi gelisay inay isticmaalaan Gaasta, sida uu sheegay Agaasimaha guud ee Wasaaraddasi.
“Dadweynaha waxaan kula talinayaa inay isticmaalaan Shooladaha Gaasta lagu shiddo, kuwaasaa uga kharash iyo nadaafad wanaagsan Dhuxusha” ayuu yidhi Agaasime Maxamed Faarax Xirsi oo Gobanimonews la hadlay.
Joojinta Dabar-goynta Dhirta ayaa ah siyaasad guud oo xukuumaddu ku hawlantahay, laakiinse wali waxa jira deegaamo badan oo dhuxusha si xad dhaaf ah looga shiddo.
Dhuxusha ayaa loo isticmaalaa ka sekow karinta Cuntada, shidashada Fooxa, Luubaanka iyo waxyaabaha kale ee dabka lagu dhalaaliyo.
Laakiinse Shooladda Gaastu dadweynaha uma saamaxayso inay u isticmaalaan arrimaha kale ee Khusuusiga ah.
Warbixin: Axmed Cige
Cige2015@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland