Sunday, December 22, 2013

Somalia: Dhakhaatiirta Ajaanibka ah oo ka qaxaya Muqdisho


Muqdisho(GNA)-Dhakhaatiirta Ajaanibka ah ayaa ka qaxaya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaliya .




Tan ayaa ka dambeysay ka dib markii Todobaadkii 4 dhakhtar oo saddex ajaanib tahay lagu dilay deegaan u dhexeeya Muqdisho iyo Af-gooye.




Waxa Saakay Magaalada Muqdisho ka dhoofay dhaqaatiir u dhalatay Dalka Siiriya,kuwaasoo ka badbaaday weerarka lagu dilay saaxibadoodii kale oo ka dhacay Deegaanka Siinka Dheer ee Duleedka Magaalada Muqdisho.




Dhakhaatiirtan oo gaaraya ilaa Labo Dhaqtar oo u dashay Dalka Siiriya ayaa ka howl galayay Isbitaalka Fiqi ee Magaalada Muqdisho.




Agaasimaha Isbitaalka Fiqi Hospital C/raxmaan Macalin Fiqi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Saakay Magaalada Muqdisho ka direen labo Dhaqtar oo Suuriyaan ah oo ka badbaaday weerar dhawaan lagu dilay Sadax dhaqtar oo iyana u dhashay Dalka Siiriya.




Dr Maahir Xuseen oo ka mid ah dhaqaatiirta u dhalatay dalka Siiriya ee ka howlgalayay isbitaalka Fiqi oo isna dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay  markii hore dalka  u soo gurmadeen haddana lagu dhibaateeyay ayna ka tagaan Soomaaliya .




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com