Berbera(GNA)-Wefti Balaadhan oo ka kooban Haweenka Xukuumadda ku jira iyo Marwada Madaxweynaha ayaa Maanta booqasho aanay ujeedadeedu cadeyn ku tegay Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, halkaasoo loogu sameeyay Xaflad qaddo sharaf ah oo kulmisay weftiga Dumarka ah iyo Haweenka Reer Berbera.
Aamina Sheikh Maxamuud Jirde ayaa hogaaminaysay wefti ka kooban Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Bandare, wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada marwo Shurki Xariir Ismaaciil, Gudoomiyaha Xuquuqal Insaanka Marwo Fadxiya Xaaji Xuseen, Maareeyaha Samafalka Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, iyo Gudoomiyaha Ururka Haweenka ee Now Marwo Aniisa Nuur Cigaal.
Safarka wefti xukuumaddeedka Haweenka ka kooban ayaa ujeedadiisa lagu sheegay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya haweenka gobolka saaxil iyo haweenka xukuumada ku jira oo ay hormuud u tahay marwada koowaad ee madaxweynuhu.
Inkasta oo ujeedada sidaasi lagu sheegay , hadana waa Sawirka ka muuqda weftigan ayaa ah mid noociisu ugu ku yahay Bulshada Somaliland, waxaana dareeno kala duwan bixinaya sababta intan oo dumara oo xukuumadda dhexe iyo xulafadeeda ku jira meel isu raaciyay.
Marwada Madaxweynaha oo ka hashay Munaasibad qado ah oo Haweenka reer Berbera u sameeyeen, ayaa Dumarka u sheegtay inay muujiyaan isku duubni iyo dedaal la mida dhigooda degmada Salaxley oo ay booqasho tan oo kale ah dhawaan ku tageen weftiga Haweenka Madaxtooyadu.
Aamina waris ayaa Haweenka Reer Berbera u sheegtay inay la mid noqdaan Ururka Gaaroodi “waxaan u mahad celinayaa haweenka soo abaabulay munaasibaddan marti sharafta ah”ayay tidhi aamina Sheikh Maxamuud Jirde.
Magaalada Berbera ayaa ah magaalo si weyn looga faaqido arrimaha siyaasadda, waana markii ugu horaysay ee tiro dumar intan le’eeg oo xukuumadda ka socdaa keligood booqasho ku tagaan, iyadoo aanay munaasibaddaha lagu qaabilay door muuqda ku lahayn Maamulka gobolka iyo degmadu, balse hoosta ay ka abaabulayeen.
Todobaadkii hore ayay booqdeen Magaalada Salaxley ee Gobolka Maroodi-jeex, halka badhtamihii bishii hore ay tageen Degmooyin ka mida Gobolka Gabiley ee Galbeedka Somaliland, halkaasoo ay Marwada madaxweynuhu mashaariic ka soo dhagax dhigtay.
Booqashada Weftiga Dumarka ah ee Gabiley, ayaa waxa ka dhashay af xumo iyo eedeymo ay xaawalayda Mucaaridka ku jira isweydaarsadeen, ka dib markii labada aamina ee Madaxtooyadu dhaliilo iyo eedeymo shakhsi weerara u soo jeediyeen Faadumo Siciid oo ka mid ah Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka UCID.
Dhaqdhaqaaqyada haweenka Xukuumaddu ka wadaan Goboladda ayaa ku soo beegmaya xili xukuumadda lagu xamanayo inay taladii waddanku gacanta u gashay iyaga oo ay ka maroorsadeen Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta madaxtooyada.
“Taladii dalku waxay gacanta u gashay Haween iyo caruur yar yar oo madaxtooyada jooga”sidaasi waa doodda dadka dhaliila maamulka Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.
Arrintan ayaa ah Xujjo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dul hoganaysay oo aan ilaa hada si cad bulshadda loogu caddeyn jirto iyo in kale.
Hase ahaatee tani waxay iftiiminaysaa in wax ka jiraan dhaliisha madaxweyne Siilaanyo iyo maamulkiisa looga soo jeediyo mawduucan.
Maxaa yeelay?abaabulka ka muuqda Marwada Madaxweynaha iyo Haweenka ay madaxda u tahay ee xayndaabka Madaxtooyada ku jiraa waa mid aanay ka madhnayn awood sheegasho siyaasaddeed iyo Ikhtiyaar socosho bulshada dareen ku abuuraya.
Gobanimonews
Berbera Office
Email: editor@gobanimonews.com