Sunday, December 22, 2013

C. Cirro: Go’aanka Golaha Maxkamad buri kartaa ma jiro xukuumadduna ma soo faro-gelinkarto”


Cirro oo u Jawaabay labadiisa ku xigeen, xukuumadda iyo Maxkamaddahana digniin u diray.




Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha golaha Wakiillada ayaa Xukuumadda iyo Hay’addaha Garsoorka uga digay inay faro gelin ku sameeyaan Shaqada hay’adda Sharci dejinta.




Waraysi uu siiyay Hadhwaan maanta, ka dib markii ansixin Golaha wakiilladu ku sameeyay isku shaandheyn Guddi hoosaadyada ay ka soo horjeesteen labada guddoomiye ku-xigeen, waxa uu Guddoomiye cirro ku caddeeyay inay sharci tahay go’aanka goluhu qaaday.




Hadalkan ayaa yimi ka dib markii labada Guddoomiye ku-xigeen sheegeen inay Dacwad ka dhan ansixinta Guddiyada Golaha u gudbiyeen Maxkamadda Dastuuriga ah.




"labada Guddoomiye ku-xigeen Golaha ayay katirsan yihiin wax kasta oo Goluhu u codeeyaa waa Sharci markaa go,aan gole cid qaadici kartaa majirto Maxkamad burin kartaana majirto wax kasta oo Goluhu u codeeyaana waa Sharci markaa saasey Sharci ku tahey waxaan maqmaqlayay Maxkamado iyo waxbey tageen Golaha Wakiiladu ma aha Baloodho la isku haysto”ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi ku daray “markaa Maxkamadaha iyo  Xukuumadda waxaan usoo jeedinayaa Dastuurku wuxu tilmaamayaa sadex waaxood oo qaranku leeyahay oo kala madax banaan waa Fulinta, Sharcidajinta, iyo Garsoorka ma baneynayo Dastuurku in ay midina mid kusoo xadgudubto markaa, waxaan uga digayaa in Xukuumada iyo garsoorkuba in ay waaxaha kale ee qaranka xadgudub ku sameeyaan Xeer hoosaadku Goluhu isagaa tilmaamaya hadii muran yimaado iyo hadii khilaaf yimaadaba meesha, loo noqonayo waxa loo noqonayaa Gudida joogtada ah oo hadii muarn kayimaado iyo khilaaf iyaga kaliya ayuu xeer hoosaadku u baneynayaa iyagaanay utaalaa in ay go,aan ka gaadhaan"Ayuu yidhi Gudoomiye Ciro.




 




Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku doodday in xil ka qaadista Guddoonka u taalo golaha wakiillada, waxaanu taasi kaga jawaabayay su’aal laga waydiiyay mawduucaasi. "Waxey ila tahey taasi Golaha ayay utaalaa Golahaanay hor iman doontaa aniga iyo iyaguba waxaanu kamid nahey Mudanyaasha Golaha Wakiilada xeer hoosaadkuna wuu na qabanayaa"Ayuu yidhi Gudoomiyaha Baarlamaanku.




Waxaanu intaasi ku daray "Golaha ajande kale lama horgeynayo laakiin Ajandihii aanu maanta ansixiney ayaa la guda galayaa”.




Dhinaca kale, khilaafka soo ifbaxay ee Shir-guddoonka golaha wakiillada ayaa dood hor leh ka dhex abuurtay “hadalka labada guddoomiye ku xigeen wuxuu sababi karaa in xilka laga qaado labadoodba, waxaana imanaysa kolayba Anshax marin”sidaasi  waxa Gobanimonews u sheegay aqoonyahan  Cali oo ka mid ah dadka arrimaha siyaasadda wax ka sheegay.




Golaha wakiillada ayaa fadhigoodii maanta oo ay ka soo xaadireen 54 mudane waxay ku ansixiyeen isku shaandheynta guddiyada iyo Ajandeha 23-aad ee Golaha.




Xildhibaanada ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aanka oo cod aqlabiyadda lagu meelmariyay “Golaha Wakilladu wuxuu saaka ahaa golihii la yaqaanay waxaanu qaaday talaabo sax ah oo aanu beryahaa qaadin, waxaanu ahaa sidii uu ahaa berigii Siilaanyo ku jiray”sidaasi waxa Warbaahinta u sheegay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Mudaneyaasha xisbiga kulmiye ugu jira wakillada.




Laakiinse Labada guddoomiye ku-xigeen ee Golahaasi ayaa si cad uga soo horjeestay arrinta goluhu sameeyay, waxaanay dadka arrimaha siyaasadda la socdaa diidmadooda ku tilmaameen mid aan micno balaadhan samaynayn.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com