Friday, December 6, 2013

Nelson Mandela oo Geeriyooday iyo mid ka mid ah Maansooyinkii Gaariye ku sifeeyay


Madaxweyne Jocab Zuma: Koonfur afrika way wayday wiilkii weynaa” Akhri Taariikh nololeedkiisii iyo Xusuusta Hindiseyaal iyo Hal-adagnimad laga dhaxlay...




Johanesberg(GNA)-Madaxweynaha Dalka Koonfur afrika Jacom Zuma ayaa xaqiijiyay inuu Geeriyooday gelinkii Maanta oo Khamiis ah Madaxweynihii hore ee dalkaasi Nelson Mandela.




Nelson Mandela ayaa ahaa 95 Jir adduunka iyo qaaradda Afrika magac iyo sumcad weyn ku lahaa, waxaanu ahaa aabihii la dagaalanka midab-takoorka ee Afrikada Madow.




Xanuun kaga dhacay Sababka ayuu saddexdii bilood ee ugu dambeeyay ugu jiray Cisbitaaal ku yaala Magaalada caasimada dalkaasi ee Johanesberg.




“Qarankayagu wuxuu waayay Wiilkayagii waynaa”ayuu Jocab Suma ka sheegay telefishanka Qaranka ee Koonfur afrika.




Waxaanu intaasi ku daray “Mandela waxa loo samayn doonaa Aas qaran oo dhamaystiran..maxaa loo samayn karaa weynantii Mandela, weynantiisu waxay ahayd mid uu ku sameeyay bino aadanimada”ayuu yidhi.




Reysal wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameroon oo ka hadlay Geerida Mandela ayaa sheegay in Iftiin weyni ka bakhtiyay Adduunka.“Laydh weyn ayaa ka bakhtiyay Adduunka “ayuu yidhi David Came




Wariye ka tirsan BBC-da oo ku sugan aqalka la geeyay Mandela ee Magaalada Johanesberg, gaar ahaan Xaafadda isku raranta ah ee Houghton, ayaa sheegaya inuu geerida Mandela uga murugaysanyahay sida qoyskiisa qofka ugu dhow.




Nelson  Mandela ayaa Maalinta Sabtida ee soo socota loo qaadi doonaa Xabaalo ku yaala Magaalada Pretoria, halkaasoo lagu aasi doono.




“waxaanu u aragnaa inay geeridiisu xanuun badan ku hayso nafahayaga”.




Wariyeyaal ku sugan Cisbitaalka uu ku ku geeriyooday ayaa sheegaya inay dawladda dalka madaxda ugu saraysaa isugu yimaadeen.




Tan iyo markii cisbitaalka la geeyay saddex bilood ka hor xaaladiisu waxay ku jirtay baxnaano iyo wuu ka soo reynayaa, laakiinse shalay ayuu ka shubay.




Nelson Mandela ayaa dhashay sanadkii 1918, waxa uu sanadkii 1943kii ku biiray dhaqdhaqaaqii xornimo doonka ee ANC (African National Congress (ANC)”




ANC ayaa ka soo horjeeday nidaamkii midab kala sooca ahaa ee hogaaminta Cadaanka ku koobnaa.




1964 ayaa lagu xukumay xabsi daa’im ama xadhig madaxaa haku furto ah, waxaana la soo daayay sanadkii 1990-kii, isagoo xiligaasi ku guulaystay inuu xaqiijiyo himiladii lagaga takhalusay nidaamkii uu ka soo horjeeday.




Sanadkii 1993-kii waxa uu ku guulaystay Shahaadada Nabadda adduunka ee  Nobel Peace Prize, waxaana loo doortay madaxweynihii ugu horeeyay ee madow ah ee dalka Koonfur afrika xukuma sanadkii 1994-kii 10-kii Bishii May.




Markii uu ka tegay xafiiska sanadkii, waxa uu bilaabay inuu ka qayb qaato daminta xasaraha aduunka ka oogan, waxaanu ka qayb qaatay dib u heshiisiintii dalalka Democratic Republic of Congo, Burundi  iyo Dalalka kale oo adduunka ku yaala.




Nelson Mandela ayaa ka mid ahaa shanta xubnood ee Guurtida adduunka, waxaana ka mid ahaa ashkhaasta loogu ixtiraamka badanyahay Caalamka Korkiisa.




Muran kama joogo in dalkiisu geli doono murug iyo maalmo modaw, waxaana caawaba hoos loo dhigay calka dalkaasi.




Dadka reer Koonfur Afrika waxa la qaybsan doona murugda iyo dareenka xanuunka badan ee Geerida Geesigan madow dadka kale ee qaarada iyo kuwo badan oo ku nool shanta qaaradood ee adduunka.




Waxa lagu xasuusan doonaa raadadkii siyaasaddeed ee uu adduunka kaga tegay iyo buugaag badan oo laga qoray, kuwaasoo tusaaleyaal iyo dariiq hogaamineed ay ka bartaan dad badan oo siyaasadda jecel.




Waxyaabaha ugu waaweyn ee lagu xusuusto waxa ka mid ah Buugii uu ku qoray Xabsiga Robin ee Jasiirada Robin irland, kaasoo uu ugu magac daray "socdaalkii dheeraa", hal ku dhigyo boqolaal gaadhaya oo uu sameeyay, Lahjad gaar u ahayd oo uu ku hadli iyo muhindisnimadiisii siyaasadda iyo nolosha isugu jirtay.




Qaar ka mid ah dadkii ay isugu dhawaayeen ayaa ku sifeeya qof shakhsiyad iyo dad la dhaqan wanaagsan.




Somalida




Abwaankii weynaa ee dhawaan geeriyooday ee Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye ayaa ka mid ahaa dadka Somalida ee wax ka sheegay ama sifeeyay mandela.




Waxaanu tiriyay Maanso uu Hogaamiye Mandela ku sawirayo shakhsiyadiisa, taasoo ka mid ah Suugaantiisa kuwa loogu jecelyahay.




AHN ee Marxuum gaariye oo suugaan kaga waramaya shakhsiyadda iyo hogaaminta Mandela ayaa maansadiisa Madiix ku bilaabay sidan:




“Masafooy gadood;




Maax-yahay ha gudhin.




Inta uu mudduci




Madal-weyne yimi,




Wax kastuu marsado




Marlay kiiska qabo;




Oo maddaacalii




Maanshaa allee,




Garta madax ka yahay




Ka markhaati yahay




Sharcigana matalo,




Madfac-yahaw ha damin;




Mujrim-yahaw ha ladin;




Maskax-yahay godlani




Maansada ha dayn.




Qalin-yahaw mindiyo




Ii noqo maddane;




Ku marriimo dhiig;




Kuna maydho ciin.




Khadkan hoo murka ah;




Kii macallinka ah




Ee midab-caska ah.




Ku dhig heestan milil;




Maaleey qadhaadh




Dacar lagu margado.




Maarrahaan sitiyo




Kalaashkoofka mudan,




Midig aad tartide




"Madad" baan ku idhi.




Maska ubadka jaray




Dhiiggana ku mamay




Ila moora-duug.




Murti iyo higgaad




Maxlal aan ku dhalan,




Ninna macasha qaban




Waa meeqa odhan,




Ku macsuun tix aan




Maamuus ku ladhay,




Maandheela iyo




Muudaaga xumi




Dad wuxuu makalay;




Ama reer muskood




Kaga dhigay maxbuus.




Afartaa miscirir




Mus-duleed u daa;




Mid kaleeto waa




"Maqaleey war-laay




Ma laguu warramay?"




Waxaan ahay madluun




Godobtiisa maqan,




U maleegan oo




"Maya" yidhi dulliga




Waan miigganahay;




Nin mannaagayoo




Macaluul darteed




Milgo-beelayoo,




Maalkiisa dhacan




Marti inu ku yahay




La marsiinayiyo,




Mana ihi miskiin




Ninna muuno iyo




Naxariis ka mudan.




Nacas muruq is-biday




Markuu dhabanka bidix




Farba meel ku dhigo,




Sidii Nabi Masiix




Dhanka midig u dhiib,




Mawd baan ka xigay.




Ninka midho-yariyo




Madi garab lahayn




Ii malaynayiyo,




Muska tiidsanee




Igu meersanee




Madaw iyo cadba leh,




Een mawqifkiyo




Mitidkaanu nahay




Ku midaysan nahay,




Kala maan ahaa.




Uurkayga madhan




Muruqyada i fagan,




Murugada naftiyo




Dabarkaygu maran,




Mucsurkaan qabaa,




Waa miino iyo




Meleg aasanoo,




Mar inay qarxaan




Ku muddaysanoo,




Wixii lay marshiyo




Waxan maaganahay




Kala maan ahaa.




Maanshee la yidhi




Xaaqinkaa murxee




Dhul madhaa ma jiro.




Miciyihi darraa




Ee igu mudnaa,




Mariidkiyo suntii




Maaradoodi helay.




Haddaan maahsanaa




Miyir-doorsanaa,




Miiraabay oo




Mugga waan il-baxay.




Majaraan hayaa




Duul hore u maray




Ay mahadiyeen.




Afartaa mullaax




Uga maydhax-diir,




Mid kaleeto waa




Hadal waa murtiye




Maqal Abu-hadroow.




Tixdu waa mag-dheba;




Nin kastoo mitida




Oo madiidin neceb,




Waa madhax u yaal.




Waa muuno iyo




Taallo aan u muday,




Maandheela iyo




Cidda uu matalo;




Magli baan ku qoray.




Adna Maxamadoow




Maansadu nin geya




Kama maarantee,




Mayalkeeda qabo.




Gumaystaha ku maag.




Madaxoo la rogo




Iyo midab-takoor,




Inaynaan mareeg




Marna qaadanayn,




Ninka mooggan iyo




Macal-cune dhacsii.




Miliqsade ka nixi.




Hal-muceedyadii




Mari aad tiqiin;




Oo mahadho iyo




Maahmaah ka reeb.




Kana marag ahaw




Rag hadday murmaan,




Mabda'eenu waa




Isagoon mugdiyo




Madmadoow ku jirin,




Maantiyo berriba




Malafsade ha dhaco;




Xalaal-maal ha jiro;




Dadku waa masee




Ha mudh-baxo cadligu.




 




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com