“Qof meel ka hadlaya u joojin mayno”Dhegeyso Wasiirka arrimaha dibada oo qaaday Jidkii Maxamed C/laahi Cumar.
Hargeysa(GNA)-Wasiirka Arrimaha dibada somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay , ka dib socdaal uu dibada ugu maqnaa laba todobaad.
Waxa uu ka soo degay Madaarka Hargeysa, waxaanu ka waramay ujeedada safarkiisa iyo waxyaabihii uga soo qabsoomay.
Waxa uu sheegay inuu kulamo kala duwan la soo qaatay Maal-gashadeyaal Caalamiya oo degen dalalka uu booqday iyo Hay’addo kale, isagoo xusay inuu dawladda Imaaraadka kala hadlay sidii loo fulin lahaa mashaariic ay u balan qaaday somaliland.
Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo warbaahinta kula hadlay qolka Nasashada ee Madaarka ayaan soo qaadin wax ku saabsan arrimaha siyaasadda dibada siiba aqoonsi raadiska oo uu safarkaasi uga soo qabsoomay, balse wuxuu ku nuuxnuuxsaday inay wasaaraddiisu xooga saarayso sidii Maal-gashi dalku u heli lahaa.
“Wasaaradda arrimaha dibaddu waxay xooga saaraysaa sidii dalku maal-gashi caalamiya u heli lahaa, waayo sidan kuma sii jiri karno”ayuu yidhi.
Waxaanu intaasi raaciyay “u joojin mayno qof meel ka had hadlaya iyo wuxuu sheegayo, laakiinse waxaanu dedaal u gelaynaa sidii aanu u dhaqaajin lahayn arrimaha somaliland u baahantahay”ayuu hadalkiisa ku daray.
Halkan ka dhegeyso codkiisa oo dhamaystiran:-[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Maxamed-Biixi.mp3"][/audio]