London(GNA)-Isusocodka ayaa Maanta hakad ku jira qaybo ka mid ah Magaalada London.
Arrintan ayaa ka dambeysay, ka dib markii Baraf iyo Ciiro isku xidhay Cirka iyo dhulka, taasoo sababtay in dadku dibada u soo bixi kari waayaan, gaadiidka dhulka iyo ka cirkana looga digay inay socdaan.
Muuqaalo lagu baahiyay baraha Internet-ka saaka ayaa muujinaya ciiro madow oo isku xidhay Dhulka.
Duufaano iyo qabow dheeraad ah ayaa ilaa bishii hore ku habsaday waddamo badan oo ka mid ah qaarada Yurub.
Dadka ayaa inta badan saacadaha shaqada la kulma cidhiidh badan oo dhanka socodka ah iyo nolosha caadiga ah.
Guryaha ayaa lagu shidaa Aaladda dabka ku shaqaysa ee Kulaylka Dhalisa, taasoo 24-ka saacadoodba ku shidan.
Dadka Dhaqaalahoodu hooseeyo ayaa awoodin inay iska bixiyaan lacagta Korantada iyo Heater-ka lagu shito.
Dalalka Talyaaniga iyo Faransiiska ayaa iyagana la soo sheegayaa qabow xad dhaaf ah.
Dad badan oo Somali ah oo ku sugan Dalalka Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa Gobanimonews u sheegay in dadka Somalida ah ee dalalkaasi ku nool qaarkood, kuwoodda dhaqaalahoodu hooseeyaa iska bixin kari waayaan Kharashka Korantada Guryaha lagu shido ee Kulaylka dhalisa.
Taas ayay sheegeen inay sababi karto in hadii qabowgu sidan ka sii kordho dad ku dhiman karaan.
Daawo Sawirrada: