Saturday, December 7, 2013

Koonfur Afrika iyo Adduunka


Maanta iyo Adduunka + Tiiraanyada Geerida Geesigii Afrikada Madow”Warbixin




Ka dib markii xalay madaxweynaha Koonfur Afrika ku dhawaaqay Geeridda Geesigii, Hal-gamaagii iyo abbihii la dagaalanka midab kala sooca Neslon Mandela, dalku wuxuu galay marxalad murugo iyo baroordiiq xambaarsan.




Kumanaan qof oo murugaysan ayaa saaka isugu soo baxay Jidadka waaweyn ee dalkaasi, kuwaasoo ka murugaysnaa Geeridda Mandela.




Dadka ayaa badankoodu ku soo lebistay Dhar uu ku sawiranyahay Mandela, waxaanay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ku jiray Heesihii loo sameeyay iyo kuwo isaga laga guntay.




“Saaka Koonfur afrika iyo adduunka intiisa badan waxay uga dhigantahay maalin madow, oo Iftiinkii ka bakhtiyay, waxana magaalooyinka waaweyn ee dalka isugu soo baxayay tan iyo xalay kumanaan dad ah”sidaasi waxa yidhi Nin Ganacsade Somali ah oo dalkaasi ku sugan.




Ninkaasoo magaciisa la yidhaahdo Raabic ,waxna ka barta Jaamacad ku taala Magaalada Johanesberg, ayaa intaasi ku daray “dadku waxay xidhanyihiin funnaanado iyo dhar kale oo Mandela ku sawiranyahay, waxay ku dhawaaqayaan ereyo ay ku muujinayaan dareenkooda”ayuu u sheegay BBC-da.




Goobaha Ganacsiga, xafiisyada Dawladda iyo dhamaan goobaha shaqada ayaa la xidhay, waxaanay taasi bilow u ahayd barooq diiq caam ahaan socon doonta muddo toban maalmood ah oo dalka oo dhan ka soconaysa, inta la aasayo Mandela maalinta Axadda ee 15 Bishan December.




Laakiinse dadka reer Koonfur Afrika marnaba ma ilaawayaan, hogaamiyahoodii cadaaliga ahaa ee dadka dalkaasi mideeyay, isagoo ka soo baxay Xabsi uu ku jiray 28 sanadood in ku dhow, sida uu sheegay Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka wax dhiga jaamacad ku taala dalka Maraykanka.




“Mandela reer Koonfur Afrika iyo Adduunka oo dhami ma ilaawayaan hogaamintiisii wanaagsanayd ee caaladda ku dhisnayd, waxay ahayd dabeecadiisu mid ka mid ah dabeecadaha hogaamineed ee adduunka aan wali lagu arag”ayuu yidhi.




“wuxuu ahaa hogaamiyihii ugu horeeyay ee adduunka isagoo ka soo baxay Jeel fursad hogaamineed helay, dabadeed markii uu hogaamiye noqday ku dhaqaaqay inuu dadka dalkiisa mideeyo , kuwii ka soo horjeeday iyo kuwii la jirayba, ee yidhi waa la soo dhaafay wixii hore u dhacay… waa mid ka mid ah duruustii laga bartay Mandela ee loo baahanyahay inay madaxda Adduunka oo dhami kaga deydaan”ayuu hadalkiisa raaciyay Prof Samatar.




Axmed Ismaaciil Samatar ayaa mid ka mid ah hogaamiyeyaashii Somaliya soo maray la maseeyay Mandela, waxaanu sheegay in Aadan Cabadlle Cismaan uu lahaa dabeecadaha Mandela oo kale.




“Mandela waxa uu dhabada u xaadhay Dimuquraadiyada oo macalin ugu noqday hogaamiyeyaasha Afrika, waxaanu cajiib ku dhigay wuxuu rumeeyay waxaan afrika laga filayn oo ah Madaxweyne xilku markuu ka dhamaaday ee doorasho la galay si dimuquraadiya ku wareejiyay.




Hogaamiyeyaasha Somalida qof dabeecadaasoo kale leh oo ahaa hogaamiye la mid ah Mandela, waxaan ku sifeyn lahaa ama ku tilmaami lahaa Madaxweynihii Geeriyooday ee Aadan Cabdlle Cismaan, taana ha hogaadaan ayaan odhan lahaa shacbiga Somaliyeed”ayuu yidhi.




Warbaahinta Caalamka ee ku hadasha Luuqadaha kala duwan ayaa qaadaa dhigaysa Taariikhda iyo duuduub ahaan Shakhsiyadii Mandela, waxaanay Iddeecadaha afka Somaliga ku hadla ee BBC-da, VOA iyo kuwo kale oo badani saaka ilaa maanta Barmaamujyadoodii ku soo qaateen Mandela.




Kuwa Luuqadaha kale ku hadla ayaa iyaguna sidaasi si la mid ah u tabinaya Geerida Ninkan ka baxay Adduunka.




Hogaamiyeyaasha adduunka oo dhan ayaa tacsi ka diray Geerida Mandela, waxaanay dhamaantood ku tilmaameen shakhsiyad ka baxday adduunka oo dhan ee aan ka dhiman Koonfur afrika oo dhan.




Somaliland iyo Warbaahinta




Somaliland oo ah waddan ku yaala Geeska Afrika, kana go’ay Somaliya sanadkii 1991-kii, laakiinse aan wali Ictiraaf Caalamiya ka helin Beesha caalamka ayaa ka mid ah waddamada adduunka , gaar ahaan afrika ee dadkiisa qaar ay taabatay Geerida Mandela.




Laakiinse tiiraanyada Geerida Ninkii ugu saameynta badnaa dadka madow ayaad moodaa inay ku koobantahay qaybo ka mid ah Bulshada gaar ahaan kuwa aqoonta u leh ama bartay taariikhdiisa.




Madaxweynaha Somaliland Axme Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ah hogaamiyaha waddanka ayaa Ideecadda BBC-da ka diray dhamaan Hambalyo tacsi ah, hase ahaatee madaxda kale ee Dawladda, xisbiga xukuumadda iyo Xisbiyadda Mucaaridka ahi toona kamay hadlin  geerida, waxaanad moodaa inaanay waxba kala socon xataa murugada adduunka oo dhami muujinayo geerida hogaamiyihii hore ee ANC.




Warbaahinta Dawladda, ayaa teer iyo saaka wax barmaamujyo ah oo ku saabsan Mandela aan  baahin,inkasta oo Iddeecadda dawladdu wararka ku soo dartay.




 Waxa aad u la yaab badan in Caawa Telefishanka Dawladda Tacsida Madaxweynaha ka duubtay Iddeecadda BBC-da.




Halka hogaamiyeyaasha shanta qaaradood ee adduunka qaarkood xalay si toos ah xalay markii geeridiisa la shaaciyay uga soo muuqdeen shaashadaha Telefishanada adduunka.




Tani waxay muujinaysaa habacsanaan siyaasadeed oo ka muuqata dhamaan dhinacyada siyaasadda ku foogan  oo dhan, kuwaasoo aad moodo inaanay lahayn istaraatiijiyad siyaasaddeed oo fog, taasoo dhaafsiisan dalka gudihiisa.




Dhinaca Warbaahinta markaad eegto xataa kuwa madaxbanaan ayaan u firin fircoonayn falanqaynta  arrinkan, waxaana soo baxaysa isweydiin odhanaysa miyaanay somaliland Afrika ka mid ahayn dad ahaan mise waxa jira utun ama colaad qarsoon oo ka dhaxaysa labada waddan oo hore macaamilkoodu u fiicnaa farsamo ahaan.




Somaliland ayaa xidhiidh wanaagsan oo siyaasadeed la lahayd Koonfur Afrika saddex sanadood ka hor markii ay xukuumadda Siilaanyo talada la wareegtay.




Koonfur afrika ayaa somaliland ka taageeri jirtay dhanka doorashooyinka ilaa tii ugu dambeysay ee Madaxtooyada.




Madaxweynihii hore ee Somaliland AHN Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala Magaalada Pretoria ee Caasimada  Koonfur Afrika.




Arrimahani waxay ka mid yihiin waxyaabaha loo baahnaa inay somaliland ku xasuusato walaalohooda koonfur affrika, balse arrinta iminka taagan waxaan ku tilmaami karnaa Somaliland oo Koonfur Afrika iyo adduunka kaga hadhay Geerida Mandela.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com