Jijiga-GNA-Waxa maanta xarunta Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya ee Magaalada jigjiga oo ah Xudunta Marti-soorka Dhamaan Ergooyinka iyo Wufuuda ku soo Qulqulaya Xuska 8aad ee Maalinta Qowmiyadaha laga furay Cawo-bandhigeed caalamiga ah oo Loogu Magac daray dibu-curashada dalka itoobiya Taasooy Soo agaasimeen Xukuumada iyo in kabadan 350 Shirkadood.
Carwadan Cajiibka ah ayaa ay Soo agaasimeen Xukuumada,Maamulka Magaalada,Guud Ganacsatada iyo Ganacsatada Dalka iyo Shirkado Heer Caalami ah iyadoona ay dhan yihiin 350-Shirkadaha ka Qaybqaatay Bandhiga Carwadan kuwaasoo isugu jira Shirkado waawayn kuwo dhexe iyo Kuwoyaryarba Horaa loo yidhi”Togba Taagtii Rogmay Ama Nin walbaa Ceesaanii Ceel Keen”Micnaha iyo Nuxurkeeduna yahay Carwo-bandhigeedkan Shirkad kastaa waxaykaga qaybqaadanaysaa hadba inta Itaalkeedu ama Raasamaalkeedu yahay.
Waxaana maanta furitaankeedii ka soo qayb galay wasiiru dawlaha wasaarada ganacsiga ee dalka itoobiya mudane Cali Siraaj Afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI mudane Maxamed-rashiid Isaaq ahna Gudoomiyaha XDSHSI,Wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI mudane C/laahi Yuusuf, Maareeyaha Wakaalada Maalgalinta DDSI md C/naasir, Ganactaso waawayn oo ah kuwa deegaanka iyo kuwa dalkaba sidoo kale waxaa Doorkeeda ka Qaadanaysay Furitaankii Bandhiga Carwadan Caalamiga ah kooxda baanboyda dalka.
Ka hor Furitaankii Carwadan Cajiibka ah ayaa ay Kooxda Baanboydu fagaaraha ka Dhigeen Dhoolo-tus Cajiib ah oo ay Gaadada iyo Gacmahaba kaga ciyaarsiinayeen halka saf u badhnaaDumar iyo ragna ay kaga dhawaajinayeen Noocyada qalabkooda Sida Turubooyinka,Durbaanada,Saxnada Casriga ah iyo Noocyo kale.
Afhayeea Golaha Xildhibaanada DDSI mudane Maxamed-Rashiid isaaq ayaa siwayn ugu mahada celiyay masuuliyiinta iyo ganacadada ayaa waxa uu sheegay in carwadan oo ka mid ah xuska maalinta qoomiyadaha iyo shucubta dalka itoobiya ay ka dhalatay dastuurkeena ka dib markii ay dhalatay itoobiyada cusubi wuxuuna afhayeenku siwayn ugu mahad celiyay ganacsadada dalka itoobiya sida fiican ee ay iskugu xidhan yihiin iyo wax soo saarka kala duwan ee ay ku horumariyaan ganacsigooga.
Sidoo kale waxa uu afhayeenku siwayn uga waramay marxaladihii iyo cadaadisyadii hore u haystay ganactadada iyo guud ahaanba shacabka itoobiya gaar ahaan kuwa deegaanka soomalida oo si gaar ah uu u haystay cabudhis iyo cadaasi gaar ah oo ay ku yaheen xukuumadihii hore sida kuwii boqortooyada iyo kuwi kalidii taliska.Balse ayuu yidhi afhayeenku markii ay curatay itoobiyada cusubi waxaa guud ahaanba u curtay dalka sinaan cadaalad iyo dimuqoraadiyad waana tan maanta keentay in ay ganacsatada dalka iyo kuwa heer caalamiba ugu soo bandhigayaan carwadan ku taala xarunta deegaanka ee jijiga.
Wasiiru-dawlaha wasaarada ganacsiga dalka itoobiya mudane Cali Siraaj oo ka hadlay furitaankii carwadan ayaa waxa uu sheegay in uu siwayn ugu faraxsan yahay ka soo qaybgalka carwadan lagu muujinaya walaalnimada iyo is jacaylka qoomiyadaha iyo shucuubtaha dalka itoobiya sinaanta iyo cadaalada qoomiyadaha dalka itoobiya wuxuuna ka waramay sawiiru dawluhu in dastuurkeene horseeday horumar iyo ganacsi xawli ku socda oo ay gaadhaan ganacsadada dalka. Wuxuuna horseeday dastuurneenu ayuu yidhi wasiirku dawluhu in ay ganacsatadeenu ay helaan suuq xor ah oo ay wax soo saarkooda ku horumariyaan.
Mar uu ka waramayay wasiiru dawluhu ahmiyada carwadan ayaa waxa uu sheegay in ay tahay mid ka mid ah xuska qoomiyadaha iyo shucuubta dalka itoobiya waana mid ay ganacsatadu ku soo bandhigayaan ayuu yidhi ganacsigooda taasoona xaqiijinaysa ama isku xidhaysa Dhamaanba ganacsatada dalka isagoona si wayn ugu bogaadiyay.
Bandhigan Carwada ah aayaa ay Wadajir Xadhiga uga wada jareen Wasiiru-Dowlaha Ganacsiga DFI iyo Afhayeenka Baarlamaanka DDSI halkaasoo uu hadal a soo jeediyay wasiirka Ganacsiga DDSI Nuxurkiisu ahaa waxyaabaha Cajiibka ah ee Carwadan lagu soo bandhigay iyo Faaiidada ugu jirta Bulsho-waynta oo ku iibsan doona Qiime aad u jaban Alaab tayadeeda laga soo baaraandagay. Waxayna ugu danbayntii masuuliyiintani booqdeen qaybaha ay carwadu ka koban tahay iyaga oo ay ka dhagaysanayeen warbixin ku qotonta noocyada ganacsiga ee ay so bandhigayaan ganacsatadu malkiilayaasha ganacsiga.
Isku Soo wada Duuboo Xukuumada DDSI waxa ay Muddo yar ka Taabogalisay Deegaanka ayaa Indhaha Caalamka iyo Dalkaba ku Soo Duway Magaalada Jigjiga Dhawrka Qarafaysta Dibadahana Koombo Daxalaysatay iyo Qaraw-beenaad ay Nafta ku sii samir siinayaan ha ku qoraan Webabkooda hana ku Koriyaan Caruurtoodaaxaa
Gobanimo news.com
Jig jiga office