Wednesday, December 11, 2013

Dhegeyso: Ismaaciil yare oo Warbaahinta Dawladda ka weeraray Xisbiyadda Mucaaridka


Hargeysa(GNA)-Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha xiligii Xukuumaddii Rayaale, dhawaana noqday Aasaasaha Ururkii Dalsan ee Doorashooyinka Deegaanka ku hadhay bishan bisheedii sanadkii 2013-ka ayaa asxaabta Mucaaridka ah ku dhaliilay hanaanka siyaasaddeed ee ay ku socdaan.




Ismaaciil-yare oo Warbaahinta Dawladda la hadlay Maanta ayaa sharci daro ku tilmaamay shirka dooda qaran ee Xisbiyaddu abaabulayaan iyo dibadbaxyadii shalay dawladdu is hortaagtay ee Xisbiga ucid.




“Mudaharaadku wuxuu waxyeelo u geysanayaa dadkeena Danyarta ah ee suuqa ka xoogsanaya iyo kuwa kale ee wadhatada ah”ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi ku daray “Shirka doodad qaran waxa qaban kara oo qudha madaxweynaha, xisbiyaddu inay gaar u shiraan oo arimahooda siyaasadda ka hadlaan wax u diidayaa ma jiro, laakiinse shir qaran madaxweynaha oo qudha ayaa ku baaqi kara”ayuu ku yidhi Waraysi uu siiyay Telefishanka Dawladda.




Ismaaciil yare ayaa dhawaan ku biiray Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo uu kula midoobay Ururkiisii Dalsan ee hadhay.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/ismacil.mp3"][/audio]




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com