Burco(GNA)-Caaqilka iyo waxgaradka Beesha Xildiid Allamagan ayaa eedayn u soo jeediyay Suldaanka Guud ee Beelaha Habarjeclo Suldaan C/laahi Suldaan Cali,kaas oo ay sheegeen in uu iska Horkeenayo Ardaayo Hoose oo beesha ah.
waxaanay sheegeen inuu hogaaminayo kooxdii shidaal baadhista Gobolka saraar is hortaagtay oo mar labaad doonaysa inay soo rogaal celiso maadaama ay shirkadii dib usoo noqonayso waddanka.
Odayaasha ayaa sidaasi ku sheegay qoraal ay soo saareen oo Xafiiska Wararka ee Gobanimonews ee Magaalada Burco soo gaadhay.
Qoraalkaas ayaa u dhignaa sidan:-
“hadii aanu nahay odayaasha Beesha Xildiid alamgan waxaanu aad u canbaaraynaa talaabada uu qaaday suldaanka guud ee beelaha Habrjeclo,kaas oo aanu filaynay inuu yahay suldaan dadka u dhexeeya,isla markaana ay sarayso aragtidiisa maamul,oo aanay soo gaadhin ardaayada hoose,waxaa koox is magacawday oo dalka amaan dari ka wadaa ay ula tagtay waraaq ay doonayaan inay caaqil ku ridaan dabadeedna uu u saxeexay,waxaa layaab leh kooxda uu waraaqda uu saxeexay sidatay waa kooxdii amaandarada shidaalka saraar masuulka ahayd oo uu hormuud ka yahay ninkii kooxdaas watay oo la yidhaahdo Mahad Maxamed Cawaale,waraaqdaas oo ahayd mid ay magacyada ku yaala laga been abuuray oo foojari ah gacantana lagu hayo cadaynteedii iyo baadhisteeda kuna jirta hay,adaha maanka.suldaanka markaanu u tagnay hadii aanu nahay dhamaanba reerkii isku caaqilka ahaa waxa uu nagu yidhi anigu waxaan ahay dhinac,intiinaasina waxaa tihiin dhinac ee waa keena adkaada,cida uu raacsanyahayna waa kooxdaas is hortaagtay Baadhista shidaalka Balooga Saraar kuwaas oo xidhiidhsan Gudaha iyo dibadaba,Caaqilka uu doonayo inuu ridana waxa ay isku qabteen hawlaha shidaal baadhista,waxaanay kooxdaas uu suldaanku taageeray doonayaan inay samaystaan hogaamiyayaal kala hortaga qorshayaasha lagu horumarinayo dalka ee ay ka mid tahay shidaal baadhista soo socota ee hada la filayo inay soo noqoto shirkadii Genel Anergy.
Hadaba hadii aanu nahay waxgadka beesha ee hoos ku Saseexan waxaanu leenahay inaan khalkhal Lagalin nabadgelyada beelaha Gudahooda iyo dadka wada dhashay,waxaanu halkan kusoo jeedinaya in cida ay khusayso amaanka Beelaha Gudahooda iyo ta dalkuba in arintaas laga hortago,oo aany taaageero ka helin dhinaca dawlada maadaama ay dadkii caaqilkani ka dhexeeyay kasoo horjeedaan.cid kalena xaq u lahayn inay soo dhexgasho beelaha gudahooda ama la kala dhantaalo midnimadooda.
Odayaasha Beesha Xildiid Allamagan''
Caaqil Cali Cawil Caraale
Siciid Muuse Geele
Cabdi Yuusuf Cabdile
Cige X. Aadan Maxamed
Farxaan Cabdi Maxamed
Xasan Xaaji Muuse Geedi
Aadan Axmed Samatar
Nuur Xaaji Muuse Geedi
Maxamuud Cabdile Maxamed
Jaamac Nuur Maxamed
Hure Cabdi Maxamed
Siciid Jaamac Cabdilaahi
Ismaaciil Cabdi Maxamed
Shabeel Cawil Caraale
Muuse Cabdi Caraale
Maxamed Cawil Caraale
Nuur cawil Caraale
Siciid Aadan Faarax
C/laahi Faarax Kaabul
Siciid Abokor faarax
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office