Saturday, April 19, 2014

Xasan Maxamed Cali(Gaafaadhi) Oo Isku Soo Sharaxay G/Ku Xigeenka Koobaad Ee Xisbiga Kulmiye Fariin Adagna U Diray Xukuumada


Hargaysa(GNA)Guddoomiyihii Ururkii Ku Hadhay Doorashada Golaha Deegaanka Ee Rays Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) Ayaa Maanta Shaaciyey Inuu U Taagan Yahay Guddoomiye Ku Xigeenka Koobaad Ee Xisbig Kulmiye.




inagaafadhiGuddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay inuu xisbiga kulmiye markii uu soo galay kula heshiiyey inuu leeyahay han-siyaasadeed isla markaas aanu yeeli doonin inuu xisbigu cid kaliya kooram ugu xidh-naado.




Munaasibada balaadhan oo lagu soo dhawaynayo musharaxa u taagan guddoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga Kulmiye ayaa maanta Waxa lagu qabtay magaalada hargaysa. Munaasibadan Ayaa Waxa Kasoo Qayb Galay Guddoomiyihi Ururkii Doorshada Ku Hadhay Ee Dalsan Cuqaal Salaadiin Aqoon Yahan Iyo Marti Sharaf Kale.




Ugu horen waxa munaasibada ka hadlay suldaan ibraahin cige waxaana faah-faahin ka bixiyey ujeedad loo qabtay munaasibadan waxaana uu yidhi”




“dhamaantiin xaflada qaali ah ee aynu maanta iskugu nimi waad garanaysaan waxa ay ku saabsan tahay waxaan ay tahay mid aynu kusoo dhawaynayno musharax guddoomiyaha kobaad ee xisbiga kulmiye isku sharaxaya ee Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) waxaana uu doonayaa inuu qabto talada guddoomiyaha Ku xigeenka kobaad ee xibiga kulmiye waan nin u qalma laguna Aamini karo,Qofka bil aadanka ahi waa uu isa sharixi karaa waana la dooran karaa waana laga heli karaa waana uu heli karaa lakiin xisbiga kulmiye xaq looma laha in cid kaliya la yidhaa way u tartamaysaa.




dhinac kale waxa isn halkaasi ka hadlay Jiif Caaqil Faysal Abakor waxaana uu sheegay inuu soo dhawaynayo masharax guddoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga kulmiye waxaana uu yidhi”




“Dhamaanteen waa mid aynu heegan buuxa ugu wada jirno aadna u tageer sanahay  inuu noqdo guddoomiye ku xigeenka kobaad ee xisbiga kulmiye xasan maxamed cali gaafaadhi xisbiga kulmiye halkan uu maanta taagan yahay iyo guushaas waxa uu halkan ku soo gaadhay iyo guushaas doorashada iyo is badalkaas aad aragtaan waxa ay ahayd Samir iyo doorsho iyo waliba mid xalaal ah lakiin maanta laga yeeli maayo in xisbiga kulmiye uu cid gaar ah lagu naas nuujiyo,Haduu Xisbiga Kulmiye Cid Gaar Ah U Xidhnaado Waxa Uu Noqon Doonaa Xisbigii Kacaanka,Markaas xisbiga kulmiye maaha mid cid gaar ah u xidhnaan doona hadii aan dhexdiisa la iska dhex dooran hadii uu sidaas ku socdo la iskana dhexe dooro markaas ayaa uu xisbi jira noqon doonaa.




Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha xisbiga kulmiye ee gobolka togdheer Mudane Sahal Maxamed Abyan waxa uu sheegay”Xasan Gaafaadhi markasta waanu garan taaganahay waanu soo dhawaynaynaa maanta waxa ii farxada ah inaan kasoo qayb galo munaasibada aadka u balaadhan ee lagu shaacinayo musharax Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo u tartami doona Guddoomiyaha ku xigeenka 1aad ee xisbiga kulmiye waanu la garab gali doonaan dhamaan tayo, Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) waxaanu ku leenahay xisbiga kulmiye waa xisbi dumuq-raadiyada dhexdiisa la iska sharixi karo hankaagana halka uu yahay ku tijaabin kara.




waxa Iyana munaasibada ka hadashay marwo Aamin Maxamed Fure waxaana ay sheegat in qof kasta oo ka tirsan xisbiga kulmiye xaq buuxa u leeyahay inuu iska dhexe sharaxo xisbiga kulmiye waxaana ay tidhi”




“Qofkasta oo dalkiisa usoo hal-gamaya waxa uu xaq u leeyahay inuu isgu waxa doorto isna la doorto,dhamaan dadka maanta halkan kasoo qayb galayna waxaan usoo jeedin lahaa in si niyada amaan ah Codkooda ugu hibeeyeen Xasan Maxamed Ali anaga oo ku garab taagan hiil iyo hooba aanu ku garab istaagno dhamaanteen waxaana inoo balan ah sidaas.




Guddoomiyihii Hore Ee Ururkii Ku Hadhay Golaha Deegaanka Ee Dalsan  Isla Markaas Kusoo Biiray Xisbiga Talada Dalka Haya Ee Kulmiye Eng. Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-Yare) waxaana uu yidhi”Aad ayaa maanta usoo dhawaynayaa uguna faraxsanahay saaxiibkay xasan maxamed cali gaafaadhi oo ahaa guddoomiyihii ururkii hore Raysa isku soo sharaxo guddoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga kulmiye waan ku farax sanahay ismaaciil ahaan waan soo dhawaynayaa,Xeerka iyon sharciga uu kulmiye dhigtayna ee yaalana waxa u fasaxayaa inuu isa soo sharaxo waxa uu diidayaana ma jiro sida jirtay iyo mararka qaarkoodba waxa jira in la yidhaa waxa xal loo arkaa in sidaas iyo sidaas la yeelo iyo qoladaas sidaas loo daayo lakiin waxaasi waa qaboojin uune sharciga waxba kamay badalin sharciga marka waxa laga badalaa waa marka la iskugu yimaado shirwayne markaas ayuunbaa waxna laga badalaa waxna lagu kordhiyaa lakiin muuse biixiba waxa la tartamayey cabdi casiis maxamed samaale cabdi casiisna waxa lagu yidhi uga hadh muuse biixi sidaasna waa uu ugu hadhay lakiin way dhici kartaa rag kale oo aan ahayn cabdi casiis oo qarsoon ay soo baxaan talow ma sidii anag barigii udub qoorta nalooga xidhay ayaa maanta kulmiye nalooga xidhi doonaa maya Ayaan leeyahay.




Guddoomiyihii Hore Ee Ururkii Ku Hadhay Golaha Deegaanka Ee Dalsan  oo hadalkiis sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray”Waxaan filayaa xisbiga kulmiye inuu ka dimuq-raadiyada badan yahay Markii aanu udub ahayn ayaa qoorta la iska qaban jiree lakiin sidaas uu maanta isku cadeeyey xasan gaafaadhi ayaa qofka han musharaxnimo ku jiro looga baahan yahay,sida uu madaxwaynaha somaliland sharcigu u dhigayo waxa uu xaq u leeyahay inuu isku soo sharaxo laba teeram lakiin haduu iska daayo isga ayey jirtaa lakiin  haduu isku soo sharaxo qof kale waa hankiisa siyaasi Ma filayo hadii xasan cadaalada helo marka uu isa soo sharaxo guddoomiye ku xigeenka koobaad waayayo waayo waxa uu sigay inuu ka mid noqdo saddexdii xisbi qaran markaas guddoomiyaha ku xigeenka xisbiga macno uguma fadhiyo.




Eng. Ismaaciil Aadan Cismaan waxa uu sheegay in ay xisbiga kulmiye dan u tahaya inuu isa soo sharaxo xasan gaadhafaai waxaana uu yidhi”Marka aynu ka hadlayo xaq ee laga soo gudbo mala awaalka Xisbiga kulmiye ayey dan u tahay oo ay dan wayni ugu jirtaa inuu xasan ka mid noqdo gudoomiyaha ku xigeenka koobaad ee xisbiga,waa mid waxa u taraya xisbiga waa mid waxa badan ka badalaya inuu xasan ka mid noqdo xisbiga kulmiye hadii aan aniga iyo xasan xisbiga kulmiye wax ka wayno waxaanu samayn doonaa Urur La yidhaa dalsan and raysa waana dal barwaaqo ah oo waxa weeyaan dalsan iyo raysa oo la isku daray Markaas taas ayaa iman doonta waxaana leeyahay xisbiga kulmiye dag-dag xasan gaafaadhi codkiina u siiya.




Dhinac kale waxa isna halkaasi ka hadlay Musharax u taagan guddoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga kulmiye Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) waxaana uu yidhi” Marka hore waxaan cadaynayaa inaan u taaganahay guddoomiye ku xigeenka kobaad ee xisbiga kulmiye waxaan raacinayaa markii aan soo galnay xisbiga kulmiye waxaanu ahayn ragii soo galay iyag oo wata ururkoodii waxaanu nimi xili uu xisbiga kulmiye fooda kusoo hayo shirwaynihi waxaanu kusoo galnay wixii aanu hun-guri qabno inaanu ku muujino shirwaynahaasi xisbiga kulmiye sidaa la socotaan shirwaynahaasi waxa uu dib u dhacay mudo sannad iyo badh ah uu dib u dhacayey ilaa maantana waxa aynu soo gaadh-nay xili laga taagan yahay sanad iyo laba bilood xiligii la doonayey inuu qabsoomo mudadiina aanay cayinayn in kasta oo ay hadan fooda inagu soo hayso.




musharax guddoomiye ku xigeenka koobaad ayaa tafaasiil maxamed kaahin ka siiyey sida ii skugu sharaxay guddoomiye ku xigeenka koobaad waxaana uu yidhi”Xoolahoogii iyo hantidoodii ay ku bixiyeen kan bayka ayey doonayaa in ay ka muuqdaa xisbiga kulmiye dhexdiisa sagaashankooda codna meel kaga fadhiistaan ayey doonayaa ilaa maantan way u taagan yihiin jawaab ku filan ma hayo marka ay na yidhaahaan halkaad na dhigtay inaan yidhaaho xisbiga kulmiye waan iska dhexe taaganahay jawaab ku filan maaha waxaan ugu jawaabayaa tageerayaashii xisbiga iyo dadkii ehelka u ahaa waxaan ku odhanayaa waxan aynu doonanaynaan xilalka uu xisbiga kulmiye leeyahay.