Jaalliyadaha Somaliland ee caalamku waxay kaga jireen kaalin waafi ah dhismaha iyo horumarinta qaranka ay u dhasheen ee Somaliland wakhti dheer. Waxay ku leeyihiin qurbajoogga Somaliland sooyaalka taariikheed ee halgankii dib ula soo noqoshadii qaranimada Somaliland iyo halganka loo galay ictiraafka iyo aqoonsiga caalamiga ah ee qadiyadda Somaliland meelkasta oo ay ka joogaan dunida kaasoo ay tusaale u tahay guusha taariikhiga ah ee ay la yimaadeen jaalliayadda Somaliland ee magaalada Sheffield iyo guud ahaan qurbajoogg Somaliland ee dalka UK.
Xafiiska Xidhiidhka Jaalliyadaha JSL wuxu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa jaalliyadda Somaliland ee magaalada Sheffield iyo guud ahaan qurbajoogga Somaliland ee dalk UK dadaalka ka galeen guushaas taariikhiga ah ee Golaha Deegaanka Sheffield 2da April 2014 ku aqoonsadeen Somaliland qaran madaxbannaan.
Tallaabada aqoonsiga Somaliland ee Golaha Deegaanka Sheffield waxay tusaale u tahay tiradooda badan, tamartooda waxqabad iyo tacabka ay u galeen ka midho dhalinta himillada qaranka Somaliland ee aqoonsi caalami ah, waxanay dhiirrigelinaysaa guusha maantu in qurbajoogga Somaliland ee dalka UK iyo dunida kaleba laba jibbaaraan dadaalkooda waxqabad iyo kaalinta kaga qadiyadda qaranka iyo ictiraaf raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.
GUUL GOONI ISUTAAGGA SOMALILAND
Xasan Axmed Yuusuf
Agaasimaha Waaxda Jaalliyadaha ee Xafiiska Xidhiidhka Jaalliyadaha JSL