Hargeysa(GNA)-Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa ka soo laabtay Safar toban maalmood qaatay oo uu ugu maqnaa dalka Kenya.
Saleban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa Maanta ka soo degay Madaarka Diyaaradaha ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Wasiirka ayaa waxa Madaarka ku soo dhaweeyay, Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiirada Gaashaandhiga,Biyaha,Wasiir ku Xigeenka arrimaha gudaha, La Taliyeyaasha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka iyo Gobolada bari,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka,Isu duwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Gebilay, Hawl wadeenada Wasaaradaasi,Salaadiin,Madax dhaqameedyo iyo Saraakiil ka socotay Hay’ada World Vission .
Wasiirka ayaa markii uu soo degay warbaahinta uga waramay ujeedadda Socdaalka uu ku tegay Nairobi, waxaanu tilmaamay inuu ahaa safar shaqo oo hawlaha wasaaradda Caafimaadka ee uu madaxda ka yahay la xidhiidha, uguna soo dhamaaday guul.
Dr Saleebaan Ciise Axmed ayaa intaasi ku daray inuu filayo inay fulaan natiijada shirarkii uu lasoo qaatay madaxdii uu la kumay kuwaasoo wax ka tari doona xaalada caafimaad ee bulshada s/land, Waxaanu u mahad naqay wasiirku dhamaanba Xubnihii kala duwanaa ee soo dhawayntiisa ka qayb qaadatay.
La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bariga Fu’aad Aadan Cade oo Kelmado Soo dhawayn ah halkaasi ka soo Jeediyay ayaa Sheegay inay Wasiirka Caafimaadka ku soo dhawaynayaan Waxqabadka uu ka gaysay Adeegyada Caafimaad ee dalka waxaanu ku sifeeyay shakhsi wax wayn ka badalay xaalada caafimaad ee dalka waxaanu ku boorriyay inuu sadaalka halkaa kasii wado.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com