Wednesday, April 2, 2014

Wasiir Xagla-Toosiye Oo Ka Gubtay Su'aal laga waydiiyay wadashaqaynta ku- xigeenkiisa


Hargeysa(GNA) -Waxaa maanta si cad usoo shaac baxay Khilaaf mudo huursanaa oo u  dhaxeeyey Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr:Saleebaan Axmed Ciise(Xagla-Toosiye) iyo Haweenayda  Wasiir ku-xigeenka ka ah Wasaaradaasi Marwo:Nimco Xuseen Qowdhan.




Wararka amuurtan la xidhiidha ayaa ahaa kuwo aan hore u soo shaac bixin balse Khilaafkan ayaa waxaa uu ahaa mid ku sal leh awooda Maamulka Wasaarada,waxaana  mudadii uu Wasiir Xagla-Toosiye  uu Wasaaradaasi ka Madaxda ahaa aan fagaarayaasha lagu arag Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qowdhan.




Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr:Saleebaan Axmed Ciise(Xagla-Toosiye) ayaa mar uu maanta warbaahinta uu uga warmaayey arimo la xidhiidha Dr:Macaw uu si aada uga cadhooday su’aal ay waydiisay Warbaahintu oo sheegaysay in Wasiir ku xigeenka Caafimaadku ay diiday ogalaanshiyo uu soo siiyey Dr:Macaw inuu hawlo baadhitaan Caafimaad ah uu ka bilaabo dalka,waxaana uu si kulul ugu jawaabay in Wasaarada cida maamushaa ay isaga tahay oo aanay marnaba Wasiir ku xigeenkiisu aanay diidi Karin wixii uu soo jeediyo.




Sida oo kale Wasiir Xagla-Toosiye ayaa markii uu Su'aashan uu ka jawaabayey waxaa si aada isu badalay dareenkiisa,waxaana uu ku soo hal qabsanaayey in uu isagu Wasiir ka yahay Wasaarada Maandhaytna uu ka haysto Madaxweynaha .waxaana ka mid ahaa hadaladiisii:




“Waxba kama jiraan arinta sheegaysa in Wasiir ku xigeenku ay diiday oo ay intaan wax ogalaaday ay iyadu diiday waa waxyaabo ku tiro ku teena oo meelahaa laga yidhi,wax ka jiraana ma jiraan,Wasaaradana aniga ayaa Wasiir ka ah Maandhaytka uu Madaxweynuhu igu Magacaabayna anaa leh,wax aan anigu ogalaadayna Wasiir ku xigeen ma diidi karto waa sheekooyin aad meelahan aad ka samayseen qoladiinan saxaafadu oo runtii kutiri kutiriteenta aadka ugu badan”.




Isku Soo wada duuboo wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa hore markii uu ahaaa Wasiirka Wasaarada Dib udajinta waxaa sidan oo kale ay khilaaf maamul isku qabsadeen Agaasimihii Xafiiskii  samafalka Madaxtooyada Marwo:Aamina Maxamed Diiriye oo Wasaaradiisa Markaa la hoos keenay,waxaan  khilaafkaasi oo isaguna ahaa mid aan soo shaac bixin,kuna sal lahaa in uu Xafiiskeedu ka mid yahay Wasaarada,oo aanay si gaara u Maamuli karin Hawlaha Xafiiskeedaasi uu qabanaayo.




Xigasho Ramaas