Xukuumada Siilaanyo Oo Jawaab Uga Dhigtay Eriga Dhakhaatiirtii Ka Shaqaynaysay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Xili Bil Gudaheed Laba Markab Laga Soo Celiyey Sucuudiga
Berbera, April 21, 2014 (Hubaal) – Xili muddo bil gudaheed ah Xoolo ka dhoofay maxjarka Aljaabiri ee magaalada Berbera dib looga soo celiyayay Magaalada jidah ee dalka Sacuudi carabiya ayaa wasiirka xanaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Awdaahir oo mudo labaatan cisho ku dhaw joogay magaalada Berbera si uu ugu kuur galo sababta Xoolahaasi loo soo celiyay oo lagu sheegay xanuunka geela ku dhaca ee BRUCELLA ayuu Wasiirka Xanaanada xoolahu maalintii shalay uu shaqadii ka joojiyay lix dhakhtar oo ahaa kuwa ugu khibrada badan caafimaadka Xoolaha iyo baadhistoodab, dhakhaatiirtan ayaa isugu jiray ku sodon sano shaqaynayay iyo kuwo afartankii sano ee u danbeeyay wasaradaa u shaqaynayay xanaanadsa xoolaha waxabarasho dibadeed iyo mid gudeedba lahaa laguna tilmaamo ragii Rukumada u dhigay macjarka Aljaabiri dalkana ka saaray xiligii ay u xumayd ee xoolaha Somaliland la joojiyay kuwaasoo aqoontoodii iyo tacabkoodiiba iskugu geeyay inay caafimaadiyaan xoolaha hubiyaan/ilaaliyaan.
Dhakhaatiirtan ayaa Magacyadoodu kala ahaayeen sidan
1- Dr Hussein aden Abdilahi
2-Dr Ahmed abdilahi Ismail
3-Dr hussein Abdi Hassan
4-Dr Omar Aw Osman Buh
5-Dr Mohamed Suleiman Mohamed
6-Dr omar mohamed haji aden
Qoraalka Lagu eryay dhakhaatiirtan ayaa sidan u qornaa waxaanu kasoo baxay xafiiska isuduwaha xanaanada xoolaha ee gobolka Saaxil.
“Anigoo tixgalinaya Codsiga Maamulaha iyo maareeyaha maxjarka Al jabiri isla Markaana Fulinaya amarka wasiirka ee ah in laga bedelo dhakhaatiirta ay macjarku codsadeen, waxaan Halkan kusoo gudbinayaa magacyada dhakhaatiirta shaqada maxjarka laga faddhiisiyay maanta oo taaariikhdu tahay 20/4/014 mudanayaal waxaann idinka codsanayaain aad ka shaqo gashaan goobihii aad hore uga shaqayn jirteen, waxaana xusid mudan in aad dhamaantiin tihiin aqoontii iyo KhibradiiWasaarada,Macjarkana aad tihiin ragii dhidibada u taagay, sidaa daraadeed wixii mushahar iyo xuquuq aad yeelanaysaan waxaa dabal ku samaynaysa wasaarada xanaanada xoolaha, maamulka macjarkuna wu balan qaaday in ay si dhaqso ah u bixiyaan talabadan uu qaaday wasiirka xanaanada Xoolaha Somalilad Dr Cabdi Awdaahir xal ma u noqon doontaa dhibaatadii dhanka xoolaha ee mudooyinkan danbe soo food saartay ganacsatada xoolaha dhoofisa, dhanka kalena ma jirto wasiirku go,aan u ka qaatay cida lasaarayo khasaarihii soo gaadhay ganacsatada, arinkan ayaa waxa fursad wayn ka helay macjarka wadaniga ah ee Indho Deero oo mudadii xanibaadu jirtay ay ganacsatadii xoolaha dhoofinaysay ay ku dhakhtariyeen xoolahooda macjarkaa mana jirto wax xoolo ah oo lagu soo celiyay maxjarka wadaniga ah ee Indho Deero.
Xigasho: Haatuf.net